Hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qaaday Shabaab

314

CiidanKu simaha wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Lydia Wanyoto Mutende ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in uu bilawday waxay ugu yeertay “Hawlgalka Badweynta Hindiya” kaasoo ujeeddadiisu tahay bay tiri in ciidamaddu ay dib ugu soo celiyaan gacanta dawladda dhammaan goobaha ay Al-shabaab ku harsan yihiin loona gaarsiiyo shacabka gargaar bani’aadminnimo.

“Qorshaha hawlgalkaan oo dhinacyo badan lagu wejihayo waa in lagu jabiyo Shabaab si loo sii baahiyo nadaamka dawliga ah ee Soomaaliya.” Ayey tiri Mss. Wanyoto Mutende oo warfidiyeenka la hadashaday.

Wanyoto Mutende waxay sheegtay in hawlgalku yahay kii ugu weynaa oo ay waddajir u fuliyaan ciidamadda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Hadalkaasi ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadda isbaheysigu ay la wareegeen gacan ku haynta degmadda Tiyeeglow ee gobolka Bakool, taasoo noqoneysa degmaddii ugu danbeysay ee gobolkaasi oo laga qabsado xarakada Shabaab.

Tiyeeglow ayaa qiyaastii 530 km, u jirta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxayna isku xirtaa magaalooyinka Baydhabo, Beledweyne iyo gobolladda dhexe ee Soomaaliya.