Hay’adaha Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ah oo heshiis ku gaaray shirka London

352

declaration signing

Heshiiska Iskaashi ee Lagu Dardargelinayo Soo kabashada Dhaqaalaha
Soomaaliyeed kaas oo ay Wadajirka U gaadheen Hay’adaha Dawladda iyo
Ganacsatada Gaarka.London, 10kii Maajo.

Arar: -Iyadoo la garowsanayo doorka tilmaaman ee ganacsatada gaarka ahi ka ciyaareen
soo kabashadii dhaqaale ee Soomaaliya iyo weliba saadaasha kororka dhaqaale ee
mustaqbalka, iyo shirka magaalada London ee inagusoo foolleh, dowladda federaalka ah
iyo ganacsatada gaarka ahi waxay galleen ballan-qaad laba dhinacle ah oo hiraal leh si ay
isaga kaashadaan soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliyeed loona dhiirigelin lahaa
nabadda iyo dawlad dhisidda.
Mabaa’diida hagista: -Iyadoo loo marayo rugaha ganacsiga iyo ururada ganacsatada ee
heer qaran iyo gobolba waxay dawladda federaalka iyo wakiilada ganacsatada gaarka ahi
gaadheen inay kawada shaqeeyaan kana hawl-galaan wada-hadal daahfuran kaas oo ka
qaybqaata amniga, deganaanta iyo badhaadhaha dadka soomaaliyeed oo dhan. Arrinkaas
waxaa kamid ah hirgelinta iyo ka gungaadhka Qorshaha Horumarineed ee Qaranka (NDP:
2017-19).
Dawladdu waxay ku nuuxnuuxsatay, iyadoo la tashanaysa waaxyaha ganacsiga gaarka
loo leeyahay, qaadidda mas’uuliyadeeda ku aaddan horumarinta iyo xoojinta xeerarka
qaab-shaqeed iyo siyaas ee ganacsatada gaarka ah u suuro gelinaya inay gadh-wadeen ka
noqdaan kabasho dhaqaale oo Soomaali oo dhami kawada faa’iiddo. Dawladdu waxay si
horumar kujiro uga shaqeyndoontaa xoojinta awoodda ganacsiga soomaaliyeed iyadoo
ujeedadu tahay in la fasaxo (dabarka laga furo) shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka
qayb qaadanaya dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo gargaaridda Soomaaliya sidii ay uga bixi
lahayd saboolnimada.
Ganacsiga gaarka ahi waxuu go’aamiyaa isagoo si firfircood dawladda uga qaybgelinaya,
dhisidda jawi ganacsi oo casri ah kuna dhisan qaanuunka, kaas oo u dhigma lehna hab￾dhaqan heer caalami, iyo nidaam canshuureed oo tartan, sinnaan iyo saadaalinba leh.
Intaa waxaa dheer in ganacstada gaarka ahi ballan ku galeen fulinta waajibaadka
shirkadaha wanaagsan laga doonayo sida ilaalinta qaanuunka wadanka, bay’adda, iyo
wadaagidda mas’uuliyadda bulshada. Ganacsatada gaarka ahi waxaa kale oo ay ballan ku
qaadeen inay kala shaqeeyaan dawladda dhexe iyo kuwa goboladaba ballaadhinta
canshuuraha iyadoo ujeedkeedu yahay sare u qaadidda maaliyadda guud si dawladda
Soomaaliyeed looga gacansiiyo ilaalinta xuduudeeda, dadkeeda iyo khayraadkeeda oo
ganacsigu kujiro.
Dhinacyada la Iska kaashanayo: -Iyadoo laga jaan-qaadayo waxyaabihii mudnaanta
lagu siiyay Qorshaha Horumarineed ee Qaranka iyo Wadahadalkii ay yeesheen dawladda
iyo ganacsatada gaarka ahi lagasoo bilaabo bishii Juun 2016, Dawladda Federaalka
Soomaaliyeed iyo Ganasatada Gaarka ahi waxay si wada-jir ah isugu raaceen in bilowga

iska kaashado dhawr waxyaabood oo mudnaan dhaqaale leh, kuwaas oo ka kooban
bah-wadaagtani (saaxiibadan) waxay diiradda saarayaan xilliga dhaw iyo midka dhexe.
Mudnaantaasi waxay dhimidoontaa nuglaanta ummadda Soomaaliyeed ay u nuglaan
doonto masiibooyinka sida abaarta hadda taagan ee halista gelisay noloshii beeraleyda
yaryar iyo xoolo-dhaqatadaba.
Mudnaanaha kordhinta dhaqaale ee soo socdaa waxay badhi-taarayaan isbadalka
maaliyadeed ee guud ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, hannaanka lagu
joogteynayo xidhiidhka lala leeyahay hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, iyo
dadaalada ku aaddan kaalmooyinka bani’aadanimo ee socda. Dawladda Federaalka ee
Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Gaarka ahi waxay ballan ku qaadeen inay sii wadaan
kaalmaynta iyo kasamato bixinta ummadda Soomaaliyeed ee abaartu riiqday xaaladda ay
ku sugantahay.
Dhinacyada mudnaanta la siiyay ee soo socda waxay u taaganyihiin meelaha uu
heshiiskani bilowgaba diiradda saarayo, waxaana lasii wadidoonaa in dib-u-eegid lagu
sameeyo, la kormeero, lana ballaadhiyo iyadoo loo eegayo baahiyaha did-u-dhiska
dhaqaale ee Soomaaliya siday uyimaadaan iyo in loo maro hadba wixii kasoo baxa wada￾hadalka Hay’adaha dawladda iyo ganacsatada gaarka ah.
Kaabayaasha Dhaqaalaha:
Dib-u-cusbooneysiinta awoodda (korontada), biyaha, wadooyinka – gacansiinta
maalgelinta saaxiibada kale iyo arrimaha ku saabsan xeerarka (wareegtooyinka)
muhiimka ah.
ICT iyo Hal-abuur Maaliyadeed:
Xoojinta xeerarka iyo lammaaneynta hal-abuurka iyo farsamada si loo wanaajiyo wada￾yeeladka maaliyadeed, dawlad wanaagga, iyo suuqa oo u furan cid walba.
Ganacsiga Beeraha:
Sare u qaadidda dhinaca amniga iyo galgalka loo leeyahay suuqyada wadanka iyo kuwa
caalamiga ee xoolaha nool, kaluumeysiga, iyo Wax soo saarka beerah kuwaas oo halbowle
u ah dhaqaalaha nolosha dadka saboolka ah ee Soomaaliyeed.
Xirfadaha iyo Tababarrada:
In laga shaqeeyo sidii muhimadda loo siinlahaa xirfadaha gabaabsiga noqday kadib
waxbarasho iyo tababar la’aan ka dhalatay intuu socday dagaalkii sokeeye.
Waxyaabaha Degdegga Diiradda heshiisku ku Saarayo:

Dawladda Soomaaliyeed iyo Ganacstada gaarka ah (Wixii hadda laga bilaabana loogu
yeedhi “Anaga”) waxay go’aamiyeed inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan hirgelinta
isbedeladan soo socda kuwaas oo la aaminsanyahay inay muhiim u yihiin isbadalka
koboc ee dhinacyada sare ku xusan:

Waxaa naga go’an inaan sare u qaadno maalgelinta, ganacsiga iyo tartanka loo
simanyahay iyadoo: –
ü La abuurayo saaxiibo istiraatiiji caalami ah iyo iskaashi si loo dardargeliyo
maalgelinta iyo farsamada Soomaaliya u baahan tahay si loogu taageero
danaheeda dhaqaale iyo shaqo abuurkeeda.
ü Casriyeynta nidaamka ganacsi si uu u gaadho heerka iyo hab-dhaqanka caalamiga
ah, sidaa awgeedna loogusii hawl-gelilahaa in Soomaaliya galgal u yeelato
ganacsiga dhinacyada badan ka dhaxeeya iyo midka gobolka, nidaamyada
maalgelinta iyo heshiisyada jira sida WTO, COMESA iyo EAC.

Horumarinta iyo
gacan-siinta danaha dhaqaale ee qaranka iyadoo ujeedku yahay in lasiiyo masrax
ay ka ciyaarikaraan kaas oo ay ku jiraan taageeridda ganacsatada Soomaaliyeed
ee degaanada.
Waxaanu go’aansanay abuuritaanka jawi gacanci oo casri ah kaas oo u togan
maalgelinta, Qeexaya waaxyaha mudnaanta leh, iyo Kororka dhaqaale lawada
leeyahay Iyadoo: –
ü La xoojinayo amniga iyo sareynta sharciga si Soomaaliya u siiso nabadgelyo iyo
amni sida xaqa lahaanshaha ee ganacsatada (iyo weliba dadka Soomaaliyeed).
ü La Xoojinayo lana Casriyeynayo waaxyaha maaliyadda, gaar ahaan Bankiga Dhexe
xeerarkiisa iyo awoodda kormeeristiisa.
ü La abuurayo lana xoojinayo xeerarka qaab-shaqeed kuwaas oo kaalmaynaya
helitaanka jawi ganaci oo ku saleysan qaanuun, tartan iyo sinnaan.
ü La Ilaalinayo xuquuqda malgeshiyeyaasha wadanka iyo caalamigaba iyo
suurogelinta xallinta khilaafka si haboon oo waqtigeedii ah.
Waxaa go’aansanay inaan dawladnimada ku adkayno iyadoo: –
§ La Dhisayo lana fulinayo nidaam canshuureed oo loo simanyahay kaas oo horseedi
kara dawlad wanaag.
§ La Ilaalinayo sharciga wadanka taasoo lagu taageerayo si horu-dhac ah xoojinta
xeerarka iyo ku dhaqankooda, iyo xoojinta hay’adaha hal-bowlaha dhaqaale.
§ La Isla jaanqaadsiiyo qaanuunada iyo xeerarka dawlad goboleedyada iyo
dawladda federaalka iyadoo iskaashanayaan heerarka kala duwan ee dawladda.
Waxaan go’aansanay inaan si degdeg ah uga gungaadhno waxyaabihii mudnaanta
lasiiyay qaarkood ee la isku raacay, si aan u tusno inay naga go’antahay iyo
aaminka aan ku qabno dhabbahan laqaadayo iyadoo: –
o loo sameeyo waraaq aqoonsi oo gooni ah suganna.
o La Dhaqangeliyo qaanuunada maalgelinta shisheeyaha, taas oo ay ku jiraan
sameynta guddiga maalgashiga, iyo horumarinta xeerarka suurogelinaya.

o Heshiiska dhabaha loo maro xidhiidhka.
o La dhiso nidaam iyo hay’ado shirkadaha ku diiwaangeliya ogolaanshana ugu
sameeyaan si maqane-jooge ah (online).
Gabagabadii, waxaan go’aansanay inaan iskula xisaabtanno heshiiskan si wada
hadalka ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo ganacsatada gaarka ah looga dhigo
mid wax ku ool iyo dhaqan-gal-ujeed ah iyadoo: –
v La abuurayo qaab dib-u eegid oo lixdii biloodba madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed uu ku sameynayo.
v Laga shaqeysiinayo qaabka iyo dhismaha isku xidhka iyo dhaqangelintaba, sida
xudunta PPD ee dawladda iyo xoghaynta guud ee ganacsatada gaarka ah kuwaas
oo hoos yimaadda rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed.
v La abuurayo guddiyo shaqo oo lagu wada dhanyahay hawl-ujeedna ah kana
shaqeynaya meelaha aad loogu xusay bayaankan.
v Wax laga baranayo horukaca la sameeyay, si loo joogteeyo xoojinta heshiiskan iyo
saameyntiisa la taaban karo ee wada shaqeynteena.