Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay banaanbax ka dhan ah Isra’iil

198

Kulankan  oo ay Ha’yadda Majmaca  Culimada Soomaaliyeed  ku yeesheen Magaalada  Muqdisho ayaa  waxey ku Cambaareeyay  dhibaatooyinka  gabood falka ah oo Israel ay ku hayso shacabka reer falastiin, ayadoo sidoo kale masjidka barakaysan ee Al- Aqsa lagu dhibaataynayo shacbka falastiin.

Waxaa culimada diiradda ku saareen Dowrka kaga aadan  qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Qaar ka mid ah  culimadii ka hadashay  kulanka  ayaa si wada jir ah  u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi.

Gudoomiyaha  ha’yadda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa  akhriyay bayaanka ay ka soo saareen  hay’adda culimada Soomaaliyeed  dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan  muslimiinta reer falastiin  iyo masjidka  barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda.

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday  inay banaanbax ka dhan ah dowladda Israel maalinta Khamiista ah ay isugu soo baxaan.