Hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya oo si cusub u wajahaysa xaqiijinta Amniga Muqdisho

280

 

Shalay iyo maanta waxaa magaalada Muqdisho ka jiray jawi ka duwan sidii lagu yaqaanay dhanka amaanka waxaana magaalada guuda ahaan lagu arkayey ciidan si gaar ah u labisan oo baaritaano ku sameeynaya gaadiidka Dadweynaha, kuwa raaxda, iyo  gaadiidka hubaysan.

 

Ciidankan ayaa su’aalo weydiinayay gaadiidka wata hubka si ay u hubiyaan meelaha ay ka tirsanyihiin iyo cidda ay ilaalada u yihiin taasi oo aan hore loogu arki jirin baaritaanada ka dhaca mqudisho,”Waxaa hadda aragnaa in la baarayo kuwa ay ahayd in labaaro ee wata gaadiidka dagaalka ama hubka”sidaasi waxaa Xaqiiqatimes u sheegay nin oday ah oo meel shaaha laga cabo fadhiayay.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusf ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa si gaar ah u tababaran, looguna tala galay in ay xaqiijiyaan amaanka caasimadda.”Ciidamadan waxaa lagu magacaabaa “Zone alert” waxa ayna si gaar ah u ilaalinayaan meelaha Dadku ku badnayihiin. Sidoo kale waxa ayna ka howlgalayaan guud ahaan degmooyinka gobolkani ka koobanyahay”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka.

 

Khubaro  amaanka yaqaan ayaa sheegaya in looga baahaynyahay In Dowladda Soomaaliya ay joogtayso howlgalkan lagu magacaabo Feejignaanta deegaanka,ciidamdana ay helaan xuquuq iyo dheeri gelin dheeraad ah si ay u gutaan waajibaadka muhiimka ah.

 

 

Xaqiiqatime.com

Abdulqaadir Maxamed Cabdulle(ok)