Heerka Siyaasada: Madaxweynaha Somaliya Xasan sheekh oo La sheegay in La Sixray Kadibna Loola Cararay Cusbitaal Dibadda ah

224

Xasan sheekhKaddib markii galabta ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu ambabaxay dalka Turkiga, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Injineer Cabdiraxmana Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa u sheegya VOA in walaac uusan ka jirin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, balse uu u tagay uun taxaddar.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu aaday Turkiga Baaritaan caafimaad, laakin ma sheegin baaritaankaas caafimaad nooca uu yahay, haseyeeshee warar laga helayo ilo madaxbanaan ayaa sheegay in xanuunka madaxweynuhu la xiriiro fal sixir

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa laga qarixiyay saxaafada, waxaana taas ay keentay shaki badan.
Madaxweynaha oo meel fagaaro lagu arko waxaa ugu dambeysay Jimcihii xilligaas oo uu ka qaybgalay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen