Hiirshabelle oo ka digtay dilalka Amisom ay u gaystaan dadka Shacabka

157

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle, ayaa waxa ay ka hadleen saddex ruux oo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku dileen duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle inay ka doonayaan baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo dadka Shacabka ah ee ay AMISOM Xasuuqday.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle aysan ciidanka AMISOM uga hari doonin dilka ay u geysteen shacabka.

Ciidamada AMISOM ayaa xilliyada ay la kulmaan dagaalo culus oo kaga yimaado dhanka Ururka Al Shabaab waxa ay laayaan dadka shacabka ah ee ka agdhaw.