Hindiya: Salmaan Khan oo Damaanad lagu sii daayay

150

Atooraha caanka ah ee dalka Hindiya Salmaan Khan ayaa maanta maxkamad Ku taala dalka Hindiya waxaa ay kusii daysay Damaanad maalmo yar un ka dib markii maxkamadu ay Ku xukuntay 5 sano oo xarig ah.

Salmaan Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu sameeyay ugaarsi Sharci darro ah taasi oo keentay in shan sano oo xarig ah.

Mahesh Bora, oo ah Qareenka Salmaan Khan ayaa warbaahinta u sheegay in Mr Salmaan lagu sii daayay damaanad lagaceed.

Waxaa uu sheegay in xaakimka maxkamadda uu saxiixay in Atooraha lagu sii daayo damaanad lacageed oo gaaraysaa  50,000 rupuees  oo ah lacagta dalka Hindiya oo u dhiganta ($770) Dollar.