Hir-shabeelle oo soo saaray musharixiinta Aqalka Sare

570

Maamulka cusub ee Hir-shabeelle oo ka mid ah maamulada u dhiman inay soo doortaan xubnaha Aqalka Sare ayaa maanta soo saaray liiska musharixiinta.

Liiskan ayaa waxaa ka muuqanaya 4 xubnood oo Haween ah iyo xubno xilal ka soo qabtay dowladihii wadanka soo maray.

Magacyada Xubnaha Musharixiinta Aqalka Sare.

1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/dir
Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo
Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow(Muuse suudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

Dhanka kale mid ka mid beelaha dega Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa cabasho ka muujiyay qaabka Hirshabelle uu u wajahayo nidaamka awood qaybsiga beelaha.

Shir jaraa’iid oo ay Ku qabteen Jowhar ayay Ku sheegeen in maamulka uu muhiimadda koowaad uu siinayo beelaha ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Maamulka Hirshabeelle oo Xaqiiqatimes la xiriirtay si ay jawaab uga bixiyaan cabashadaan ayaa maamulka waxaa ay ka gaabsadeen ka hadalka arimahaasi.

Halkan ka dhagayso shirka jaraa’iid.