Hir-shabelle oo maanta dooranaya xubnaha Aqalka Sare

298

Doorashada xubnaha Aqalka Sare matali doona  Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar ee gobalka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xubnaha Aqalka Sare, iyadoo gelinka hore ee maanta la dhageysanayo khudbadaha Musharaxiinta.

Xarunta shirka ayaa  ammaankeeda aad loo adkeeyay, ayadoo musharixiinta iyo xildhibaatada Baarlamaanka Hir-shabeelle ay goor dhow gaareen xarunta.

Mudo yar ka dib waxaa la filayaa inay bilaabato dhagaysiga khudbadaha musharixiinta.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa ah maamul dhowaan lagu guulaystay in la dhiso ka dib mudo dheer oo dood ay ka taagnayd.

Ka dib doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa la filayaa in Maamulkaasi uu guda galo doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee maamulkaasi matali doona.