Hirshabelle: Joojinta diyaaradaha qaadka ee Jowhar waa mid Sharci darro ah

269

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku tilmaamay sharci darro go’aan ay soo saareen Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada federalka iyo hay’ada duulista rayidka iyo saadaasha hawada kaasoo lagu joojiyay diyaarad maalin walba qaad keenaysay magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad goboleedka Hirshabelle Sabriye Cismaan Toxobow oo ku saxiixnaa qoraal ka soo baxay maanta xafiiskiisa oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay shabakada jowhar.com ayaa

Wareegtada ka soo baxday wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada Federalka lehna sumadda Ref;00305WGW/17 waa mid aan sal ku lahayn dastuurka dowlada federalka iyo dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga Hirshabelle.

Qoraalka ka soo baxay wasaarada ganacsiga Hirshabelle ayaa lagu sheegay in maamul goboleedka Hirshabelle uu u madax banaan yahay ganacsiga qaadka isla markaana uu yahay wax lagu qoslo in wasaarada ganacsiga dowlada federalka ay isku dhex qasto dowlad goboleedka Hirshabelle iyo magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha dowlada federalka ayna ku saxiixneyd wasiir Qadro Axmed Ducaale ayaa lagu go’aamiyay in qaadka ama jaadka la geeyo gobolada Shabelaha Dhexe iyo Shabelaha Hoose laga soo dejiyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraal uu ku saxiixnaa Maareeyaha Guud ee hay’ada duulista rayidka iyo saadaasha hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa loogaga digey diyaaradaha qaadka geeya magaalada Jowhar waxaana qoraal loo direy shirkadahaas loogu sheegay in ay mudan karaan ganaax iyo weliba in lagala noqdo fasaxa ay ku yimaadaan dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii shalay ay hay’ada duulista hawada ay ku guuleysatay in qalabkii ugu horeeyay ay ku xirto magaalada Muqdisho ayna awood u yeelato in ay ku maamuli karto diyaaradaha dalka soo dega amaba ka duula.

Halkan Hoose ka Aqriso Wareegtooyinka Hirshabelle iyo Dowlada Federalka ay ka soo saareen joojinta diyaarada qaadka ee Jowhar;

20170920_195758