Khilaaf cusub ayaa soo kala dhexgalay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Maamulka rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo ay soo saareen ganacsatada ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay ku war galiyeen wasiirada ganacsiga maamulka Gobaleedyada dalka ka jira iyo Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed taasi oo ku aadan in dhamaan ganacsatada Gobalka Banaadir aysan wax kalsooni ah ku qabin Hogaamiyaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed Cabdikariin Gabayre.
Waxaa ay ku baaqeen in wax laga qabto arinta ka dhex taagan ganacsatada iyo Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Waxaa ay intaa ku dareen inay kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabayre.
Ganacsatada ayaa waxaa ay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ku eedeeyeen inuu ku fashilmay wadashaqaynta Ganacsatada iyo Wasaariyadda Maaliyadda taasi oo aakhirkii keentay in uu hakad ku yimaado howlihii dekadda Muqdisho.
Waxaa ay sidoo kale ku eedeeyeen in Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga uu sameeyay Cashuur laga qaaday ka dibna lacagta canshuurta la siiyay Ganacsato kale lacagtaasi oo aakhirkii dowladda Soomaaliya ay joojisay,
Waxaa ay sheegeen inuu khilaaf iyo Mushkilad ka dhex abuuray ganacsatada.
Waxaa ay ku baaqeen in dib u eegis iyo dib u habayn lagu sameeyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Hoos ka akhirso warka qoraalka ahaa oo ay soo saareen Ganacsatada.