Hogaamiyayaasha Muslimiinta ee Dalka Kenya oo canbaareeyay raafka Soomaalida lagu haayo

299

kkHogaamiyaasha Muslimiinta dalka Kenya ayaa cambaareeyay howlgalkii xaafada Islii ee dalka Kenya kaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu waxyeelaynayay ganacsiga Soomaalida ee dalka Kenya, kadib markiishir jaraa’id ay ku qabteen Masaajidka Jameeca ee dalka Kenya.

Muslimiinta dalka Kenya oo uu kamid ahaa Billow Kerrow ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ganacsi xoogan ku heystaan dalka Kenya, laakiin aysan wanaagsaneyn in la bartilmaameydsado.

Kani waa dagaal dhaqaale ee ma ahan dadaal argagixiso, haddii uusan aheyn maxaa shacab kaliya loo bartilmaameydsaday, kuwaasi oo la ogyahay ganacsigooda xoogan”ayuu yiri Mr Kerrow.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa waxaa dib loogu soo celiyay dalkooda hooyo, iyadoo kuwo kale ay ku xeran yihiin saldhiga Buru Buru iyo kuwo kale kuwaasi oo sugaya in dalkooda lagu soo celiyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in booliska iyo saraakiisha sirdoonka ay weydiinayaan sharaxaad inay ka bixiyeen sida ay u dhisayaan dhismaha ganacsiga ee xaafada Islii kuwaasi oo ku waxyeeloobay howlgalada.

Sidoo kale Muslimiinta dalka Kenya ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay malaayiinta lacagta Kenya ay ku luntay howlgalada ka soconaya dalkaasi Kenya.

www.xaqiiqa.com