Hoggaamiye Shisheeye Hagaa Waa Humaag!!

286

Maahan wax sahlan in ruuxu nodqo Hoggaamiye, waxuuna u baahan yahay inloo diyaariyo, si uu u guto mas’uuliyadda loo dhiibtay.

Dhawr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay Dalka iyo Dadka soomaaliyeed waxay ku sugnaayeen burburkii ugu xanuunka iyo darxumada badnaa intii gayigan ilaahay makansiiyey.

Markay meesha ka baxday dawladii kacaanka ee uu hoggaaminayey Mamxamed Siyaad barre , kuna duntay gacmaha soomaalida oo ay dabada ka riixayeen quwado shisheeye oo barre ka hor joogsaday danihii ay dalka ka lahaayeen. Ayaa fursad u helay ay ku qaybin karaan shacabka isagana hor keeni karaan, taasoo ujeedada ay ka lahaayeen ee ugu wayni ahayd inay maskaxda bulshada ka dhaqaan lahaanshaha waddaniyadeed oo ah waxay Ummadi ku difaacato Dal, Diin iyo Dhaqan.

Faragalintii siyaasasadda shisheeye waxay abuurtay Dagaal oogayaal hab qabiil ay ku dhiseen, Taakulaynta rasaastana hal gacan ka wada qaata, dhwr sano ka dibna waxay shisheeyuhu dhagta ugu sheegeen inay gobalada ay ka taliyaan uga shawaaqaan maamulo ay M/weynayaal ka yihiin, iyaguna way ku aqoonsadeen,

Madax gobaleed yadii qaabkaas ku samaysnay waxay keeneen inay u kala tartamaan masuuliyiintii dalalka shisheeye, waxayna Albaabka u fureen kala googo, a midnimada umadda soomaaliyeed, iyagoo lumiyey lahaanshihii dhuleed mar haday daagaanaday ka talinayeen ku xumayaan aragti shisheeye.

Hab dhaqankii dagaal oogayaashu bilaabeen ma noqon mid iyaga ku ekaada, ee waxa uu si fudud ugu baahay bulshadii ay xukumayeen, iyagoo dhaxalsiiyay ficillo aad u liita, sida: Deegaankaan reer hebel nalama lahan ee haka guureen, kama shaqayn karaan IWM.

Fikirkii shisheeya jacaylka dagaal oogayaashu waxa uu gayaysiiyay shacabka, in ay u xanbaarsadaan siday doonayeen faragaliyayaashu, waxaadna si furan ugu arkaysaa iyadoo goobaha lagu kulmo erayadaan looga hadlayo: Hebel waxaa wata Beesha Caalamka, Maraykanka, Yurub, Itoobiya IWM.

Sidaa si lamida waxaa fakarkii aaminay Xildhibaanadii qabiilka lagu soo xulay iyo madaxdii ay doorteen, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa C/laahi Yuusuf iyo oo markay is qabteen Raysul wasaarayaashoodii Gacmaha Beesha caalama lagu kala diray iyadoon waxba laga weydiin Baarlamaankii jirey Xilligaasi.

Waxaa hubaala in ummadda soomaaliyeed iyo dalkeedu xilligan adag u baahan yihiin Hoggaamiye karti leh, kana caafimaad qaba dhaliilaha aan kor ku soo xusay, fargalin kasta oo gudaha ahna hor joogsan kara, taasoo markii ugu horaysay dhagaha shacabku maqlaan labaatankii sano ee lasoo dhaafay, walaw aysan gaarsiisnayn sidii la arabay.

W/Q: C/salaan Isxaaq Tarabi