Horumarka Ganacsiga Soomaaliya

1026

SAGE News PictureWaxaa xilligaan ka jira dhulalka Soomaalidu ay degto isbeddelo aad u xooggan oo dhanka horumarka iyo ganacsiga ah, waxaana la dareemay in dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Soomaaliya uu soo kabanayo, isla markaana uu aad u kobcayo.
Ganacsatada Soomaalida ah ayaa u istaagay ballaarinta iyo sii jirista ganacsiga dalka iyo xiriirrada ay la yeelan karaan dowladaha deriska, kuwa Carabta iyo guud ahaan dalalka ku horumaray dhinaca ganacsiga.
Ganacsiga Soomaalida heerka uu gaaray iyo kobaciisa waxaa kuu muujin kara Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan miyi iyo magaalaba ka haqabtirtay dhammaan adeegyada isgaarsiinta.
Shirkaddu waxay kaalin ka qaadatay inay dadku isku wada xirnaadaan, gaar ahaan reer guuraaga ku nool miyiga fog oo wada qaatay telefoonnada gacanta ayaa ka faa’ideysta adeegyada shirkadda.
Waxyaabaha la-yaabka leh ee aan dalalka Afrika qaarkood ka jirin ee ay Hormuud suuragelisay waxaa ka mid ah; in qof isagoo miyi jooga uu isticmaalayo nidaamka lacagta la isugu diro teleefoonka ee EVC. Dadka ajnabiga ah qaarkood waxay rumeysan la’yihiin in horumar intaas la eg uu ka jiro dal burbursanaa 20 sano ka badan, balse taas waxaa suurtageliyay ganacsatada Soomaaliyeed.
Hormuud keliya ma aha waxaa sidoo kale dalka ka jira shirkado kale oo isgaarsiin sida NationLink iyo Telecom Somalia oo iyaguna sidaas si la mid ah uga qeyb qaatay inay dadka Soomaaliyeed ka haqabtiraan adeegyada isgaarsiinta ee casriga ah.
Dhinaca xawaaladaha ayaa iyaguna waxay buuxiyeen kaalintii bankiyada, iyagoo adeegyo aan la hilmaami karin u qabtay bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba.
Dhismaha ayaa sidoo kale si aad ah looga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Ganacsatada iyo qurbajoogta waxay caasimadda ku sameeyeen dib-u-dhis, bilicdii ayaa soo noqotay meelo badan, waxayna sameynayaan maalgashi aad u xooggan.
Hoteel Jazeera ayaa ka mid ah hoteellada casriga ah, wuxuuna tusaale u yahay hoteellada qurxoon ee dhaadheer ee ka qeyb qaatay inay dib u soo noqoto bilicdii lagu yaqaannay Muqdisho.
Sidoo kale, hoteellada Maka Al-Mukarrama iyo Saxafi ayaa iyaguna ka mid ah kuwa caanka ah ee ka tarjumaya horumarka ganacsi ee ka jira dalka.
Horumarka ganacsiga intaas oo keliya kuma koobna ee waxaa muuqata in sidoo kale loo weeciyay dhanka waxbarashada. Waxay ganacsatadu hirgeliyeen iskuullo iyo jaamacado ay tayadoodu sarreyso.
Dhinaca caafimaadka, meel kasta oo dalka ah waxaa adeegyada caafimaadka maalgelinaya ganacsato, kuwaas oo bulshada u suurtageliyay inay hesho adeegyo caafimaad oo degdeg ah.
Muqdisho waxaa ku yaalla bankiyo casri ah oo qaarkood ay howshoodu u socoto si habsami leh, halka kuwo cusub lagu wado in ay dhowaan shaqo billaabaan. Waxaa laga xusi karaa xawaaladda Juba Express oo xarun bank ka dhisay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qalabeeyay teknoolajiyadii ugu dambeysay ee ay ku shaqeeyaan bankiyada ku yaalla dalalka horumaray.
Salaam African Bank ayaa isaguna ka mid ah bankiyadii ugu horreeyay ee caasimadda Soomaaliya laga hirgeliyay iyo bankiga Dahabshiil oo isaguna aad loo ballaariyay. Trust African Bank ayaa sidoo kale ka howl billaabay magaalada Muqdisho.
Bankiyada, xawaaladaha, xarumaha caafimaadka iyo goobaha kala duwan ee waxbarashada oo ay ganacsatada Soomaaliyeed hirgeliyeen ayaa waxaa ka howlgala kumannaan shaqaale ah, waxay xarumahaasi ganacsi buuxiyeen kaalintii dowladda Soomaaliya looga baahnaa ee shaqo u abuurista dhallinyarada.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay ganacsatada iyo shacabkuba dedaalayaan, haddana waxaa hubaal ah inaanay wada buuxin karin kaalintii dowladda. Waxaa marqaati ma doonto ah in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay aad uga gaabisay doorkeedii horumarinta ganacsiga, waxay ku guul-darreysatay inay sugto ammaanka iyo kan guud ee dalka, arrintaas oo tiirka koowaad u ah horumarka ganacsiga.
Sharciyada la xiriira ganacsiga ayaa iyaguna mug weyn ka qaata horumarka ganacsiga, hase ahaatee dowladdu way ku guuldarreysatay inay hirgeliso. Taas beddelkeedana waxaa dhacda in mas’uuliyiinta xukuumadda qaarkood ay caqabad hor dhigaan ganacsatada halkii ay howlahooda uga fududeyn lahaayeen, sida ay xaqiijiyeen dad ganacsato ah oo kala duwan.
Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ah xarunta keliya ee haatan u taagan horumarinta iyo difaaca ganacsiga, sida uu marar kala duwan warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariim Gabeyre.
Ganacsatada ayaa dhankooda lagu dhaliilaa inay doonayaan inaysan canshuurta bixin, sidaas darteedna ay iyaguna caqabad ku yihiin inay dowladdu soo saarto sharciyadii ganacsiga horumarin lahaa. Waxaa qaarkood lagu eedeeyaa inay laaluush ku bixiyaan in aysan dowladdu soo saarin wax nidaam ah oo ganacsiga la xiriira.
Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah ganacsatadu diyaar ma u yihiin in ay fuliyaan shuruuc hufan oo lagu maamulo ganacsiga, mise waxay rabaan inay sharci la’aan ku shaqeeyaan iyagoo aan bixin wax canshuur ah?
Dhanka kale, dowladdu diyaar ma u tahay inay fuliso waajibaadka ka saran sugidda ammaanka ganacsatada iyo sharci u dejintooda?
www.xqiiqa.com