ICJ oo ku dhawaaqday xilliga ay dhagaysanayso dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya

103

Maxkamadda ICJ ayaa ku dhawaaqday Afarta Bisha November ay bilaaban doonta Dhageysiga Wareegga Koowaad Dacwaddii Badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa Jimcihii shaacisay in dib loo dhigay Maxkamadda Muddo Labo bilood ka dib markii dowladda Kenya ay soo jeedisay Codsi ku aadan in ay badali rabto Qareenaddii uu doodayay, islamarkaana ay waqti u baahan tahay.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.