ICRC oo gargaar gaarsiisay 60,000 oo qof

231

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay inay gargaar gaarsiiyeen   60,000 oo qof oo ah dadka ku barakacsan gudaha Soomaaliya.

ICRC oo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa sheegtay in raashiin ay gaarsiisay dadkii ku barakacay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Raashiinka la gaariiyay dadkaasi ayaa isugu jira Digir, Saliid, Bariis iyo Qudaar.

Hay’adda ayaa sheegtay  34,000 oo qof ay gaarsiiyiin mucaawino kale oo isugu jirta qalab caafimaad maro Kaneeco iyo kuwo kale, kuwaasi oo hay’addu ay sheegtay inay gargaar u baahnaayeen.

http://hiiraan.com/images/2016/Oct/

Dagaalka Magaalada Gaalkacyo uu dhexeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 20 qof halka ay ku barakaceen in ka badan 70,000 oo ruux.

ICRC ayaa sheegtay in sanadkan 2016 ka ay Soomaaliya ka fuliyeen barnaamijyo gargaar bani’aadanimo ah, ayadoo sheegtay  18 cisbitaal ay gaarsiyeen Daawo iyo qalab caafimaad kuwaasi oo lagu daaweeyay dad ka badan 4,000 oo qabay dhaawacyo kala duwan.

Waxay Hay’addu sheegtay in mudo hal bil gudaheed 161,000 ay Raashiin gaarsiisay iyo 90,000 oo ruux ay siisay qalab guryaha loogu talo galay, halka  82,000 oo qof ay gargaar Biyo ah ay gaarsiisay.