Idris Cabdi Dhaqtar, oo isu soo sharxay xilka gudoomiyaha baarlamaanka

499

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar, ayaa noqday Musharaxii u horeeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqa inuu u sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, maalin kaddib markii la dhaariyay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Idiris Cabdi Dhaqtar,  ayaa sheegay inuu la imaan doono is bedel, hadii uu ku guuleysto xilka Guddoomiyenimo, isla markaana ka shaqeyn doono Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Idiris ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Koofur Galbeed ee shaaciya inuu yahay Musharax Guddoomiye Baarlamaan.

Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo haatan ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay isu soo sharxay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Tani ayaa waxay dhabar jab ku tahay qorshaha  uu wato Madaxwaynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan, oo ah in aanu isa soo sharaxin nin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, gaar ahaan beelaha Digil iyo Mirifle.