Iiraan oo QM ka codsatay inay dhexdhexaadiso Khilaafka kala Dhaxeeya Maraykanka

104
TEHRAN, IRAN - SEPTEMBER,7 (RUSSIA OUT) Iranian President Hassan Rouhani (C) and Turkish President Tayyip Recep Erdogan (R) attend their press conference at the Trilateral Summit Iran-Russia-Turkey in Tehran, Iran, September,7,2018. Leaders of Russia, Turkey and Iran have gathered in Tehran to discusss Syria's future. (Photo by Mikhail Svetlov/Getty Images)

Safiirka xilka sii baneenaya ee Iran ku matalada Jimciyada Qurumaha ka dhexeyso Mudane Gholam-Ali Khoshroo ayaa Qaramada Midoowe ka codsaday in ahmiyad gaar ah ay siiyso waxa uu ku tilmaamay faragelinta qaawan oo ay Mareykanku ku haayaan wadamada Bariga dhexe.

Safiirka ayaa si gaar ah kaga codsaday Xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteress oo uu kullan saacado socday la qaatay in uu il gooni ah uu ku eego falalka uu sheegay in sharciga caalamiga ah uu kasoo herjeedo ee uu Mareykanka uu ku haayo Wadanka uu matalo ee Iran.

Waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Mareykanku uu yahay dal danahiisa oo kaliya ka fikira ayna adagtahay in heshiis sii jiri kara lala gaaro bacdamaa sida uu sheegay ay maamulkii Mareykanka ee uu hogaaminaayay Madaxweyne Barack Hussein Obama ay heshiis ku saabsan dhanka Nugliyeerka ay kala saxiixdeyn balse iminka maamulka cusub ee Trump uu iska diiday heshiiskaasi.

Safiir Khoshroo ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wadan xubin ka ah Ururuka Qaramada Midoowe in uu cinqaabo wadan kale oo xubin ka ah isla ururkaasi, Qaramada Midoowena aysan wax tilaabo ah ka qaadin oo ay isha ka eegtaan tacadiyadaasi badalkii ay ugu yaraan muujin lahaayeen sida ay kaga xunyihiin.

“Mareykanku waxaa uu sheegay in moojadii labaad ee cunaqabateynta uu dalkeena Iran uu kusoo rogaayo laakiin waxaan u sheegeynaa in Iran waxba aysan u arki doonin ayna ka aargudssan doonaan oo ay tilaabo waliba oo ay Mareykanku qaadaan ayna inaguna qaadi doono si ay kaga shalaayaan waxa ay sameynayaan” ayuu sheegay Safiirka Iran ku matala Qaramada Midoowe Khoshroo.

Waxa uu sheegay in Mareykanku ay iyagu iska dhigayaan qareenada u dooda xaquuqda aadanaha balse iyagu ay hormuud ka yihiin dagaallo badan oo uu dhiig fara badan uu ku daatay sida dagaalka Yemen iyo dagaallo kale oo halakeeyay hormarka dalalaka Bariga dhexe.

Xoghaaya guud ee Qaramada Midoowe ayaa la filaayaa in uu Mareykanka kala hadlo sidii xal waaro loogi heli lahaa qilaafka soo jireynka ah ee ka dhaxeeya Iran iyo Mareyknaka balse waxay u badantahay in uu ku qancin waayo maamulka Madaxweyne Trump.