Iiraan oo si kuluul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Maraykanka

117

Dowladda Iran ka jawaabtay eedeyn kaga timid Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo ,taasoo ku aadan in dowladda Iran ay tijaabinayso Gantaallo horay loogu diiday Caalamka oo ka baxsan xeerka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Iiran ayaa sheegtay barnaamijkeeda uu yahay mid difaac oo aan ku xad-gudbin heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nukliyarka Iran.

“Barnaamijka gantaalaha Iran waxa uu leeyahay dabeecad difaaceed waxaana loo qorsheeyay baahida dalka,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Bahram Qassemi.

Bahram Qassemi ayaa beeniyay hadalka Pompeo ee ah in Tehran ay tijaabisay gantaal ballaaran oo dhexdhexaad aan aheyn .

Waxaa uu tilmaamay in Mareykanka wali uu sii wado daandaansi ka dhan ah dowladda Iran oo la doonaayo in lagu waxyeeleeyo Caalamka oo dhan.