In ka badan 10,000 oo shaqaale ah oo loo dirayo Sacuudiga

296

Sida laga soo xiganaayo Saraakiil ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya , waxaa dhawaan lagu wadaa in dalkaasi ay gaynayaan  Shaqaale Soomaali ah oo faro badan

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa sheegtay in tilaabadaani ay timid ka dib heshiis ay la gaartay dowladda Soomaaliya.

Shaqaalahaan ayaa badankood waxa ay yihiin Haween waxaana ay ka shaqeyn doonaan guryaha.

Shaqaalaha Soomaaliyeed ee la geynayo Sacuudi Carabiya oo rag iyo dumar ka kooban ayaa waxay u badnaan doona dumar Soomaaliyeed, sida heshiiska ku xusan.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dhawaan 10,000 oo shaqaale laga qaadi doono dalka Soomaaliya lana geynayo dalkaasi, si loo dhaqan geliyo heshiiskii horey loo gaaray.

Ka hor inta shaqaalahaasi aan la geyn dalkaasi, waxaana Sacuudiga tagi doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo heshiiska dhameystiri doona, waxaana kadib bilaaban doono daabulida shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shaqaalaha ayaa ka qaban doona dalkaasi Shaqooyin kala duwan soda sarkaalka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha laga soo xigtay.

Sacuudi Carabiya waxaa haatan ku sugan Soomaali badan oo qaarkood helay sharciga dalkaasi ay ku joogaan, halka Soomaalida kale ay tarxiil iyo dhibaatooyin kale kala kulmaan dowladdaasi.

Haddaba shaqaalle badan oo ka kala yimid dalal ku yaala qaaradaha ASIA iyo AFRICA ayaa siyaabo kala duwan uga shaqeeysta wadanka Sucuudiga, kuwaasi oo la kulma dhibaatooyinka xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha.

Shaqaale Soomaaliyeed ayaa ka mid ah kuwa xad gudubka la kulma.

Shaqaalahan cusub ma noqon doonaan kuwo dhibaatada loo gaysta lagala xisaabtami doono Sucuudiga.