In ka badan 30 qof oo ku geeriyooday ka dib Daar ku duntay Magaalada Tehran

300

Ugu yeraan 30 qof ayaa la rumaysan yahay inay geeriyoodeen ka dib markii Daar dheer ay ku duntay Magaalada Tehran, ee Caasimadda dalka Iran khamiista maanta.

Daarta duntay ayaa ku taala Waqooyiga Caasimadda Tehran, waxaa la dhisay sanadkii 1965 tii, waxaana ay Mar ahayd dabaqa ugu dheer Caasimadda.

Sawirada goobta ayaa muujinaya in qasaaraha uu ha badan yahay 30 qof ee haatan la sheegay inay geeriyoodeen.

Daarta ayaa ahayd 15 dabaq.

Duqa Magaalada Tehran, Maxammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in dad u dhaxeeya  20 ilaa iyo 25 la rumaysan yahay inay ku hoos jiraan burburka daarta.

Wakaaladda wararka IRANA, ayaa sheegaysa in musiibadaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.

Kooxaha samatabixinta iyo kuwa dab-damiska ayaa wada howlo lagu badbaadinayo dadka ku hoos jira goobta burburka.

Daarta ayaa waxaa qabsaday dab aad u xoogan ka hor inta aysan dumin.2q-10 3q-9 4q-9 5q-6 6q-4 7q-3 8q-2 c6343ffc8fe94630afd893b92c9a0125_18