Inj. Saalax “Wasaaradda Hawlaha Guud Iyada Ayaa Xukuumadda Wakiil Uga Ah Hantida Guud, Waana in Looga Dambeeyaa Hawshaas”

757

Cabdinuur Maxamed Axmed

Muqdisho (XT): Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska oo hore loo oran jiray Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, ayaa waxa ay ahayd Wasaaradda ugu hantida iyo dhulalka badan marka loo eego Wasaaradihii Dawladihii hore ee Soomaaliya . Wasaaradda ayaa haatan dulsaar ku ah Wasaarado kale sida uu Xaqiiqa Times u sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi Mudane Injineer Saalax Sheekh Cismaan oo ku sifeeyay xaaladda ay hadda ku sugantahay inay tahay ‘mid barakac ku ah Wasaarado kale’.

Wasaaraddan ayaa masuul uga ah dawladda dhamaan xarumaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha dawladda.  Waxa ay si gaar ah u fulin jirtay dhismaha iyo dayactirka dhismayaasha danta guud sida Wasaaradaha, xarumaha caafimaadka, dugsiyada, waddooyinka, garoomada diyaaradaha iyo dekedaha.

Eng Salah
Wasiirka Hawlaha Guud & Dib-u-dhiska, Mudane Inj. Saalax Sheekh Cismaan

Injineer Saalax ayaa yiri “Dadka Soomaaliyeed waxaa gaaray burbur maaddi ah iyo mid maskaxeed. Shaqada koowaad waxa ay noqonaysaa inaan dhisno maskaxda shaqaalaha, kadibna waxaan dhisi doonnaa meeshii ay ku shaqeyn lahaayeen. Waxaa kale oo aan kaashanaynaa dadkii hore Wasaaradda uga shaqeyn jiray oo  xogta Wasaaradda si qotodheer uga warqaba.”

Hase yeeshee dawladihii kumeel gaarka ahaa iyo tan haatan jirtaba ayaan u fidin taageeradii ay ka fileysay Wasaaradda Hawlaha Guud oo shaqooyinkii loo igmaday ay gacmaha kula jiraan shakhsiyaad, shirkado ajnabi iyo Soomaali ah iyo Wasaarado kale. Injineer Saalax ayaa sheegay in uu Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska u yimid sidii uu dib ugu hanan lahaa waajibaadkii iyo shaqooyinkii Wasaaraddan loo igmaday.

“Wasaaradda Hawlaha Guud Iyada ayaa Xukuumadda wakiil uga ah hantida guud oo dhan, waana in looga dambeeyaa hawshaas.  Waa Wasaaradda looga fadhiyo in ay dib u dhisto Soomaaliya oo idil. Hadii aan iyada la siinin dawrkii ay lahayd, side loo dhisayaa dalka? Aniga qof kaliya ayaan ahay, balse waxaan la kaashanayaa aqoonyahannada Soomaaliyeed ee la bahdilay . Soomaaliya oo leh injinneero iyo khubaro shaqadii qaban kara ayaa dibadda laga keenaa kuwa ka taya liita. Annaga oo dhan waxaa nalaga dhigay dad aan awood u lahayn inay wax qabsadaan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Inj. Saalax oo madaxa ruxaya.

Geedi
Wasiir K/Xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Maxamed Cumar Geeddi

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Mudane Maxamed Cumar Geeddi ayaa sheegay in sharciyadii hawlaha guud ay dib boorka uga jafayaan, ay soo ceshan doonaan hantida ka maqan ee ku jirta gacanta shakhsiyaad si sharci darro ah warqado ugu sameystay ama u kireystay iyada oo aan dalka ka jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in la kireeyo xarumaha dawladda.

Mudane Geeddi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo shuruucdii muhiimka u ahayd  Hawlaha Guud isaga oo yiri “Dalka marku burburay waxaa meesha ka baxay sharciyadii dadka kala hagayay. Sidaa darteed, waxaa noo qorsheysan inaan diyaarinno shuruucdii Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska. Inkastoo dastuurka qabyada ah ay wax walba ku xiranyihiin laakiin waxaa naga go’an inaan hawsha Wasaaradda iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa Hawlaha Guud inaan hordhigno Golaha Wasiiradda usbuucyada soo socda.”

Shaqada ugu dakhsiyaha badan ee la doonayo inay wax ka qabtaan ayuu Wasiir Geeddi ku sheegay dib u naqshadeynta iyo qorsheynta magaalooyinka Soomaaliya oo ay ugu horreyso Muqdisho oo 25kii sano ee u dambeysay aad u ballaaratay, una baahan in laga fikiro meesha ku haboon dugsi, halka ku wanaagsan Saldhig Boolis iyo sida loo kordhin lahaa xarumaha caafimaadka ee hadda jira oo aan dabooli karin baahida dadka ku nool caasimadda oo aad u kordhay.

hawlaha Guud2
Xaruntii Hore ee W/Hawlaha Guud oo Dhulka Lala Simay

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ayaa horraanta bisha soo socota qaban doonta shirweyne ay kasoo qaybgeli doonaan Madaxda Sare ee dalka, Wasaaradaha Xukuumadda, Maamul Goboleedyada, Injinneero, sharci yaqaanno iyo hay’adaha caalamiga ah ee dib-u-dhiska dalka ka wada, kuwaasoo ku si khaldan u adeegsada awooda aysan siin shuruucda dalka u yaalla iyo xeerarka Wasaaradda Hawlaha Guud oo wakiilka uga ah Dawladda Federaalka Soomaaliya dhamaan hantida maguurtada ah.