Falanqeeye Arrimaha Bariga Dhexe
W/Q Axmed Muxumed (Bukhaari)
E-mail : axmad2@hotmail.com
Waxey aheyd 2011 markii uu billawday kacdoonkii carabta ee loogu magacdaray GUGA CARBEED. Kacdoonkaas waxa uu ka dhacay dalal badan sida Tuunis, Masar, Liibiya, Suuriya, Yaman iyo Ciraaq, waxaana hubaal ah hadii aan laga hortagi lahayn oo aan la fashilinin sida ka dhacdayba Masar iyo dalalka kaleba in uu gaari lahaa kacdoonkaas dalalka carabta ee ay boqorradu ka taliyaan .
Cabdisa Dalalka Gacanka (Khaliijka)
Dowladaha khaliijka ee nidaamka boqortooyada ah ayaa u baqay xukunkooda ka dib markii ay ku soo baxeen kacdoonadii carabta badankooda islaamiyiin, siiba ururka Akhwaan Muslimiinka.
Waxey is tuseen hadeynan si dhakhso ah ooga hortagin kacdoonadaan Akhwaanku eey horboodayaan in loo yaabo boqortooyadooda si fudud uu ku soo gaari doono kacdoonka.
Dowladaha khaliijka waxey ku guuleysteen in eey ka hortagaan kacdoonkii carabta ee ay hogaanka u hayeen islaamiyiinta ayagoo ku kiciyay kacdoon rogaal celis ah waxeyna ku guuleysteen in xukunka Masar la wareegaan ciidanka milatariga , dalkaTuunisna islaamiyiintii iska dhiibaan xukunka dalka markeey qiimeeyeen xaalku siduu ku socdo , halka Liibiya ay taageereen Janaraal Xaftar oo ah nin howlgab ah kadib markii ay arkeen in islaamiyiintu xukunka la wareegeen.
Meesha Dalka Suuriya doontii kacdoonka markii ay Daacish soo fuushay sheekadii ay isu badashay in lala diriro islaamiyiinta jihaadiga ah halkii nidaamka Bashaar Asad laga ridi lahaa taas oo keentay in uu xoogeeysto nidaamkiisa.
Yaman, ayaduna intii akhwaanka laga waardiyeenayay xukunka dalka kacdoonkii dhacay ka dib wax ay keentay in xukunkii ay la wareegaan niman ZEYDI shiico ah, akhwaankana ka khatar badan.
Ciraaq kacdoonkii sunnigu eey wadeen 2da sanno ee Nuur Al Maaliki looga soo horjeeday waxey isku badashay in ay Daacish ka soo hoos dhalato ka dib markii dulmi badan dadka sunniga ah loo geestay.
Geeridii Boqol Cabdalla
Kadib dhimashadii boqorka Sucuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo ahaa ninkii oogu weynaa ee hogaaminayay la dagaalanka kacdoonada carabta ka jiray, waxaa soo muuqaneeysa kala daadashado isbaheysigaas oo Masarna xubin ka ahayd laga soo bilaabo intuu xilka la wareegay milatarigu.
Boqorka cusub ee Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan waxuu is tusay in lagu fashilmay siyaasaddii Marxuum Cabdalla ee ku aadaneyd dalalka carabta, taasoo keentay intii lagu mashquulsanaa la dagaalanka islaamiyiinta in Dawladda Iiraan ka faa’iideysatay arintaas dalal badan oo carab ahna caasimadahoodii ay la wareegtay sida Beyruud , Baqdaad iyo Sanca. Waxaa sidoo kale khatar ku jira dadlal kale oo carbeed sida Baxreyn, iyaga oo horena u heeystay Dimishiq, taasoo ka dhigan in wadamada khaliijka dhinac walba ay Iiraan ka go`doomisay.
Boqorka cusub ee Sucuudi Carabiya siyaasadiisa waxey ku dhisantahay in la kala saaro islaamiyiinta kuwooda mayalka adag sida Daacish iyo kuwooda qunyar socodka ah sida Akhwaanka , waxa uuna is tusay Akhwaanku ineey yihiin kooxda kaliya ee abaabulan kana hortagi karta is ballaarinta shiicada ee Gobolka.
Yaman oo xuduud la leh sacuudi carabiya kooxda oogu awoodda badan, una babac dhigi karta kooxda Xuutiyiinta waxaa noqday xisbiga Al Islaax ee ku abtirsada Akhwaanka. Sidaa darteed Sucuudiga waxuu ku qasbanyahay in uu gaashaanbuur la sameysto akhwaanka si uu oola dagaallamo Iiraan iyo Kooxda Xuutiyiinta ee kusoo dhawaaday xuduudda sucuudiga, ileen Shiico badan ayaa Sucuudi Carabiya ku dhex nool, cabsina laga qabaa in kacdoon sameeyaan.
Aragtiyaha kala duwan ee Masar iyo Sucuudiga
Isbadallada siyaasadeed ee Sucuudi Carabiya wado Masar marna raalli kama aha waayo Masar waxeey akhwaanka ku dartay liiska argagaxisada, dagaalna weyba kula jirtaa.
Hadii ay Sucuudi Carabiya xiriiri la sameyso Akhwaanka Yaman, taasi wax ay ka dhigantahay isku soo dhawaasho dhex mari doono Akhwaanka Caalamiga ah iyo Sucuudi Carabiya, taasi oo dhabar jab ku ah dadaallada Masar ay waday ee Akhwanka lagula dagaallamayay meel kasta oo uu caalamka ka joogo.
Masar waxa ay liiska argagaxisada ku dartay kooxda Xamaas oo ku abtirsato urur weynaha Akhwaanka, meesha Boqorka sucuudiga uu marti qaad ooga fidiyay Khaalid Mishacal oo ah madaxa siyaasadda ee ururka Xamaas taasoo ka dhigan boqorku inuusan raali ka ahayn go’aankii masar ee Xamaas ku darayay liiska argagixisada.
Masar waxa ay rabtaa in arinta Suuriya wada hadal lagu xalliyo, halka Boqorka cusub ee Sucuudi Carabiya marnaba in uusan raalli ka ahayn in Bashaar al Asad wada hadal lala gallo, waxa uuna taageersanyahay in la hubeeyo kooxaha qunyar socodka ah sida Akhwaanka Suuriya.
Kala duwanaashaha siyaasadeed ee soo kala dhex galay Boqorka cusub ee Sucuudiga iyo Masar waxaa kale oo ka mid ah arinta Liibiya.
Dowlada Masar waxa ay rabtaa Akhwaanka iyo Daacish in aan la kala qaadin oo si isku mid ah loola dagaallamo. Sidoo kale in kooxda magaalada DUBRUQ fadhida la taageero, meesha Boqorka cusub ee Sucuudiga uu ka soo horjeedo arintaas waxuuna taageersanyahay in arinta Liibiya wada hadal lagu dhameeyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhigoodu yahay Tiriboli wax laga siiyo xukunka.
Dowlada Masar waxaa lagu eedeynayaa in ay indhaha ka qabsatay is balaarinta Shiicadu ka wado dalalka Carabta, wax hadal ahna illaa hadda kama eeysan soo saarin arintaas ,halka awooddeedii iyo caqligeediiba ay isugu geeysay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta.
Dhanka kale waxaa isku soo dhawaasho weyn laga dareemayaa xiriirkii u dhaxeeyay Turkiga iyo Sucuudiga kadib booqashadii dhawrka casho qaadatay ee Rajab Dayib Errdogan uu ku tagay dalka Sucuudiga. Waxyaabihii ugu badnaa ee ay ka wada hadleena waxaa ka mid ahaa arrinta Bariga dhexe , Isfidinta ay Iiraan ka wado gobolka iyo sidii looga hortagi lahaa.
Warar kale oo la isla dhax marayo ayaa waxa ay sheegayaan in Erdogaan uu dhaxdhaadinayo Sucuudi Caribya iyo Akhwaanka, iyada oo la ogyahay xarumaha oogu waaweyn ee Akhwaanka maanta dunida ku leeyahay in ay ku yaallaan dalka Turkiga, sidoo kalena Masar iyo Turkiga ay isku fiicneen.
Gebagabadii, Sucuudigu waxa ay arkaan khatarta Islaamiyiinta Sunniga ah (Akhwaan) in ay ooga darantahay midda Shiicada ee ku faafeeysa gobolka, gaar ahaan dalka Yaman oo xuduud dheer la leh Sucuudiga taasoo ku khasbeeysa in tanaasul sameyaan gaashaanbuurta iyada oo macnaheeda ay u muuqato in Masar lagu qasbo wada hadal ay la galaan Akhwaanka si hal meel looga soo wada jeesto is balaarinta Shiicadu ay ka waddo Gobolka ama uu xumaado xiriirka ka dhaxeeyo Sucuudiga iyo Masar.