ISKU MAAN DHAAFKA BAARISTA SHIDAALKA

250

shidaalkii Dhibaatooyinka dahsoon oo hadba soo burqanaysa, kuma eka baaris shidaal oo keliya, waxayse soo if bixi doonaan marka uu dhaqan galo dastuurka qabyada ihi (Draft  Constitution).
Dastuur-kaas oo ah mid ay Xabashidu u soo samaysay Soomaalida, ayna u habaysatay in ay iyadu si dadban Soomaaliya kor uga xukunto, in kastoo ay weliba Soomaalida qaarkood  sidaas u quuxayaan.

 Kaddib haddii uu dastuur-kaasi dhaqan galo, , awoodda dawladda dhexe waxay isugu soo ururi doontaa oo noqonaysaa afarta qodob oo uu tilmaamay Agaasimaha Beteroolka iyo  Macdanta ee Puntland oo keliya, sida ku qoran Wargeyska aan kor ku sheegan, kuna qeexan Qodobka 54-aad ee dastuurka qabyada ah.
Awoodaha kale ee dalka oo dhammi waxa ay u wareegi doonaan maamul gobolleedyo oo badan-koodu ku teed san yihiin xuduudda dalku la wadaago Ogaadeenia oo ay Xabashidu  gumaysato.

 Xabshidu haddaba waxa ay ku leedahay culays saar (pressure), xoog leh, gobollada Soomaaliyee­­d oo xuduudda ku teedsan, cid aan ay iyadu raalli ka ahayn, ama wadaninba madax  kama noqon kari doonto gobolladaas, oo haddaba waa la yaqaan kuwo ay wadato oo madax gobolleedyada qaarkood musharraxiin u ah.

Madax gobolleed-yadaasi hadhow ma heshiin doonaan, oo haddaba qaarkood si xoog leh bay ugu muran san yihiin turjumadda dastuurka weli qabyada ah, waana sida ay xabshidu ugu talo gashay in dhibaatada Soomaalidu aan ay weligeed dhammaan. Wax ay noqon doonaan sidii madax kooxeed-yadii burburkii kaddib . Dagaallo sokeeye oo cusubin in ka dhex dhalato gobolladaasi ayey sababeysaa.
Awooda dawlad dhexe oo kala xakaman kartaana ma jiri doonto mar haddii uu dastuur-kaasi dhaqan galo. Ama Xabashidaanba u oggolaan doonin in ay heshiiyaan, Waayo iyada qorsheheedu waa in aan ay Soomaaliya weligeed degin .

Aqoon yahanno Soomaaliyeed oo qarwayaa wax ay dadka Soomaaliyeed ku maaweeliyaan in khilaafkii iyo colaaddii labada dal iyo dawladood u dhexayn jirey uu dhammaaday.
Qarwayaalow, haddii ay idinka, idinka dhamaatay, Xabashida kama dhammaan, kama dhamman karto weligeed. Masuul kasta oo Xabashiyeed waxaa hortaal khariidaddii uu Menilek uga tegay oo leh jiritaanka Soomaaliyeed waa burburka Itoobiya.

Ayaan darro, Madaxda Soomaaliyeed , dawlad iyo baarlimaanba midkoodna khatartaas dareen-keedu kama muuqdo oo xaalkoodu waxuu u eg yahay ‘business as usual’ oo aanu dastuurka qabyada ihi wax dhibaato ah keeni doonin.
Waxaana la moodaa in ay socdaan Itoobiyay-naysi I (Ethiopianisatiion), ee arrimaha Soomaaliya waxaad marmar maqashaa wasiir/safiir hebel Itoobiya ayaa keensatay. Waana run in kuwo badani qabaan in ay Itoobiya Soomaali madax uga dhigi karto, oo aanay shacbiga Soomaaliyeedba u baahnayn.

Su’aasha taagani waa maxa xal ah? Soomaali badani waxa federaal ugu dhegan yihiin waxa ay rabaan in ay danahooda maxaliga ah iyagu ka tashadaan, waana gar, waxa ayse moodayaan in aanay sida ay rabaan heli Karin haddii aan nidaam feraali ah la qaadan. Sax ma aha sida ay moodayaan oo mid federaal ka wanaagsan oo ka fudud baa si deg deg ah loo dejin karaa haddii raggeedii la hayo.

Gumaystaashi Yurub dalalkii ay gumaysanayeen si bay u xukumi jireen, dalalkooduna si kale bay isu xukumi jireen. Dalalkii la gumaysanayay markii ay xoroobeen wax aa looga tegay nidaamkii gumaysigu ku dhiqi jiray. Waxaase habboonaan lahayd in kii ay iyagu isku xukumayeen laga qaato, lamase garan.

Konton sano kaddib Kenya dhowaan aye garatay in ay ka guurto nidaamkii gumaysigu ku xukumi jiray oo ay kala hadheen, waxayna samaysteen mid la mid ah kii gumaystuhu dalkiisu isku xukumijirey.

Soomaalidana sidaas oo kale baa la gudboon intii mid Xabashiyi u soo samaysay oo ay ku rogmadaan qaadan lahaayeen .

Nidaam ahaan muddo yar ayaa si habboon nadaam lafulin karo lagu sameyn karaa ‘Legge Decreto’ ay dawladdu soo saarto baarlimaankuna ansixiyo oo xukun hoosaadka (devolution of powers) dadka la siiyo awood ku meel gaadh ah, kahor intaan dastuurba la dhaqan gelin.
Dadkuna ay doortaan golayaal iyo madaxdoodi maxalliga ah, hana tijaabiyeen in ay sidaasi tahay sida ay rabeen, inta tijaabada lagu jirana lagu noqdo qoraalka dastuurka oo laga dhigo mid danta dadka Soomaaliyeed u adeegi kara.

Qore: Jaamac Mohamed Qaalid.

www.xaqiiqa.com