Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta dhagax dhigay safaarada Jabuuti ee Muqdisho

578
sawiro-dhagax-dhig-768x439
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, kaasi oo bur bursanayd.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah, maadaama uu dhagax dhig ku sameeyay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay tahay mid sii xoojineyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku shaqeynayay xarun KMG ah oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wixii maanta ka dambeeya marka la dhameystiro dhismaha xarunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

11s3sawiro 2sawiro dhagax dhig