Jaamacad Ku Taalla Gaarissa oo La weeraray

Photo/Daily Nation

 

Photo/Daily Nation
Photo/Daily Nation

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag hubaysan ay weerareen subaxnimadii hore ee saaka  Jaamacadda  Gaarissa. Wararka ayaa sheegaya inay wali rasaas iyo qaraxyo laga dhex maqlayo dhismaha Jaamacadda.

Hey’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 2 ilaalo  oo waardiye ka hayay albaabka hore ee Jaamacadda toogasho ay ku dileen kooxaha weerarka soo qaaday  tiro badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa wali ka dhex socda gudaha dhismaha Jamaacadda, iyadoo goobta ay ku sugan yihiin ciidamada amaanka Kenya iyo gawaarida Ambalaasyada ee dhaawacyadda daad-gureeya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday ay dad maxaabiis ahaan gudaha ugu haystaan.

Kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.