Jarmal: Dal iyo Dad Guuldarradii u Badeley Guul

4263

W/Q: Yuusuf Xasan

Waxaan ka mid aha 6 wariye oo dowladda Jarmalku ku martiqaadday in ay soo arkaan  xaaladda qaxootiga Jarmalka galay ay ku suganyihiin.Waxaan taganay magaalda Berlin ee caasimadda Jarmalka ee hadda, horeyna u ahaan jirtey magaalo darbi uu kala qaybiyo , waxaana loo kala gooyey magaalada Berlin waqooyi iyo bari. Qaybta bari midowga soofiyeeti dalki la oran jirey ayey siyaasad ahaan raacsaneed , halka qaybta waqooyi ay raacsaneed siyaasadaha galbeedka.

Markii dagaalkii 2aad ee dunida lagu jabiyey Adolf Hitler ayaa quwadihii jabiyey kala qaybsadeen dalkii awoodda badnaa ee Jarmal. Ruushaka oo ka mid ahaa dowladihii Jarmalka jabiyey ayaa siyaasaddihiisii hantiwadaagga ka hirgaliyey Jarmalka bari, una horseeday dhaqaalo xumo iyo dib u dhac. halka dhankii galbeedka ee ku siyaasadda noqday xulafada Mareykanku hoggaamiyo ay gaareen durba horumar iyo xorriyad siyaasadeed. Sidii dagaalkii 2aad loo burburiyey ayaa nala tusiyey sida hal guri oo kaliya oo ka badbaadey duqeymihii haatanna loo daawasho tago, darbigii ladumiyey ee kala qaybinayey Berlin ayaa isagana daawanay.

Sidoo kale xarumihii Hitler uu taliskiisu ka maamulayey Jarmalka ayaan soo booqannay. Waxaan aad ula yaabay sida layaabka leh ee quruxda badan ee dib loogu dhisay dhammaan goobihii lagu burburiyey dagaalkii 2aad. Intii aan daawanayey xarumaha taariikhiga ah ayaa annagoo lugeyneyna waxaan hormarnay guri dabaq ah oo labo askari oo Booliis ah ay hortaaganyihiin, farxadna ay ka muuqato, una dhoolla caddeynaya dadka ag maraya. Ninkii Jarmalka ahaa oo na hagayey, kuna dhashay Berlin ayaa nagu yiri ma garaneysaan labadaan askari sababtey u taagan yihiin halkaan? waxaanu niri mar qura maya. Wuxuu si fudud u yiri halkaan ay hortaaganyihiin labadaan askari waa guriga ay deggentahay Angela Merkel, waa haweyneyda u talisa dalka Jarmalka. lixdeennii wariye oo Afrika ka yimid waanu isfiirinney mar qura , annaga oo maskaxda ku hayna madaxda dalalkii aanu ka nimid sida loo waardiyeeyo. Isaga oo dhoolla caddeynaya ayaa haggaheennii nagu yiri dadka Jarmalku majecla islaweynida madaxda sidaasi darteed ayaa labada askari loo taagey guriga ay deggentahay Merkel.

Si kastaba ha ahaatee markii indhaheennu bilicsan ka bogteen nadaam iyo kala danbeyn cajiib ahna aan aragnay , ayaa waxaan la kulannay masuuliyiin xukuumadda Jarmalka ka socda gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda qaybteeda Afrika. Warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysa kaddib waxay hoosta ka xarriiqeen, kuna gunaanadeen warbixintoodii  sida dowladda Jarmalku u maamushay  hal sano gudaheed qaxooti kor u dhaafaya hal malyan iyo bar.

Waxaan hadba meel marnaba waxaan ugu danbeyntii tagnay xarumaha lagu qaabilo qaxootiga markey Jarmal yimaadaan. Teendhooyin iyo Konteennaro guryo laga sameeyay ayaa la dejiyay qaxootiga. Maareynta qaxootiga uma kala harin dadka Jarmalku, shacab iyo xukkuumadba waxay u istaageen sidii ay u maareyn lahaayeen qaxootiga ku soo fatahmey sidii daadkii. Warbixinno murugo iyo farxad intaba leh ayey nooga sheekeeyeen dadkii aannu kula kulanay xarumaha qaxootiga.

Qaxootiga qaarkood oo aannu aragnay ayaa naga ilmeysiiyey markey nooga sheekeeyeen dhibka ay u soo mareen in ay Jarmal yimaadaan. Way badanyihiin qaxootiga Jarmal soo galay dalalka, Suuriya, Ciraaq, Afganistaan iyo Iran. Qaxootiga ka yimid Afrika wey yaryihiin, waxaana ugu badan Eriteriya iyo Soomaaliya.

yusufa
Tifaftiraha Guud ee Xaqiiqa Times oo ku sugan Berlin.

Qaar kamida Soomaalida qaxootig ku ah Jarmalka ayaa ii sheegay haddey ogaan lahaayeen in qaxootinimadu sidaan tahay in aysan waligood dalkooda ka soo baxeen. Saxaraha Liibiya iyo dalka Jaad ayay ii sheegeen qaarkood oo rag iyo dumarba leh in lagu kufsaday. Gabar Soomaali ah ayaa ilmeysay markey nooga sheekeyneysey sidii ay Jarmal ku timid, iyo dhibaatadii ay la kulantay intii ay joogtay. Annagu waanu la ooyney inta iscelin weynay.

Runtii murugada aan ku soo arkay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka kaleba ka yimid ee qaxootiga Jarmalka ku ah, ma ahan mid laga sheekeyn karo waxayna u baahantahay in buugaag laga qoro aflaamna laga sameeyo. Aniga way igu adagtahay in aan hadda sidaan wax u soo arkay ama maqlay ka sheekeeyo waayo murugo iyo xanuun ayaan ka soo qaaday.

Gebagebadi, Waxaa aad ii soo jiitay sida dal iyo dad la jabiyey, lana qabsaday dhulkoodii oo la kala qaybiyey oo darbi weyn lakala dhex dhigay ay guul darradii guul ugu baddaleen, haatanna u noqdeen dalka ugu dhaqaalaha badan Yurub, kuna taaganyahay Midowga Yurub.

Waa aydhisteen dhulkoodii, weyna burburiyeen darbigii lagu kala qaybiyey, kaddibna wey midoobeen. Su’aashu waxay tahay Somaaliya inta qaxootinnimada iyo gacan hoorsiga iska dayso guul darrada ma u beddeli karnaa Guul?