JAWAAB: Gobannimo Mise Gunnimo Xornimada Soomaaliya 55 sano kaddib

565

Gobannimo miseQormadan waxay tixraac ama jawaab u tahay qoraal ku soo baxay Wargeyska Xaqiiqa Times 1-16/7/2015, kuna cinwaansan, “Gobannimo Mise Gunnimo Xornimada Soomaaliya 55 sano kaddib?”

Haddii aynu taariikhda dib u raacno, axraartii Soomaaliyeed oo xornimada dhalisay, halgan qadhaadh (qaraar) kaddib, tacliin sare ma lahayn, dhaqaalena ma haysan, ilbaxnimo guudna haba sheegin.

Waxaa isweydiin mudan, “sidee bay ugu guulaysteen dhalinta gobannimada iyagoo sidaas u awood yaraa?”

Haddii aynu dhegaysanayno, culimada ayaa inoo sheegtay in wixii uu Ilaaheen barakeeyo uun ay wax tari karaan. Awoodaha yaraa way barakaysnaayeen.

Maanta mutacallimiinta Soomaaliyeed aad bay u badan yihiin, shahaado PHD ka hoosaysana waaba laga faana, balse maxay waddaninimada ku soo kordhiyeen? Dhaqaalahana qof keliya baa maanta leh wax ka badan intii ay Soomaali oo dhammi lehayd xornimada kahor. Ilbaxnimo guudna Soomaali tiro badan baa ka soo hadasha daafaha dunida oo dhan oo goor walba laga maqlaa idaacadaha.

Waxaa iyaduna iswaydiin mudan, “maxay waxaas oo dhan oo horumar ah: tacliin, dhaqaale iyo ilbaxnimo guud u tari waayeen wixii intii yarayd oo hore tareen?” Jawaabtu waa, “waxaas oo horumar ahi ma barakaysna in yar maahee. Intaa yar baana guulaysan doonta, oo kasban doonta kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed”.

Siyaasiin isku sheegayaal badan oo Soomaaliyeed ee maanta waxay u tartamaan u dhowaanshaha Xabashida oo ay isleeyihiin sidaas kaga adkaada la tartamayaashooda. Cabdullaahi Yuusuf oo ahaa kii ugu horreeyay Soomaali siyaasad u gala Xabashi, Cumar Samatar kaddib ilaa 1925, waxaa laga sheegay inuu yiri, “Intii Xabashi la igu dili lahaa, anaa wax ku dilaya?” Waana la ogyahay meesha ay Xabashiyi kaga tagtay kaddib markay danaheedi ku fushatay oo uu Soomaaliya u gacan geliyay. Kuwa ay asaga ku beddelatay oo hadda Xabashida daba u dhaqayana waa la yaqaan. Iyagana halkii ay Cabdullaahi Yuusuf dhigtay baa sugaysa, kaddib marka ay seejiso kalsoonida ummadda Soomaaliyeed.

W.Q: Jaamac Maxamed Qaalib