Jawaari oo Baydhabo gaaray

172

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya   Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xunta gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay ka bilaabato   doorashada xubnaha  Aqalka Hoose ee baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya.

Safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay   labo arimood oo kala ah, inuu u kuurgalo sida loogu diyaar gabooray qaban qaabada howlaha doorashada  Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale inuu ka qeyb galo doorashada Aqalka Hoose.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya aad loogu soo dhoweeyay Baydhabo.

Maalinamada berri  ayaa la filayaa in Magaaladaasi ay ka bilaabato doorashada Aqalka Hoose baarlamaanka soomaaliya.

Maamulka K/Galbeed ayaa  laga doonayaa inuu soo xulo xubno gaaraya 67 xildhibaan oo ka mid noqonayaa Aqalka Hoose.