Jawaari oo lagu wado in uu gaadho Garoowe

171

Abdiweli-JawaariSida warar hordhac ah oo isi soo taraya ay sheegayaan afhayeenka barlamaanka dawladda dhexe ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’ iyo wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in safar horey loo sii qorsheeyay ay ku tagaan Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo imminka ku sugan caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyuhu uu quuddarrayno imaashaha iyo sidoo kale kala soo qeyb gelida xilliyada qaarkood kalfadhiga ay yeelanayaan mudanayaasha golaha shacabka ee dawlad gobolleedkaasi.

Jawaari oo ay u tahay booqashadii ugu horreysay ee uu ku gaadho Puntland ayey u badan tahay in lagu beego socdaalkiisa inta u dhexeysa 25-ka ilaa 30-ka bishaan aynu ku jirno wixii warar dheeraad ah ee kusoo kordha kala soco Xaqiiqa Times.