Jawaari oo muujiyay in uu yahay hogaamiyaha Digil iyo Mirifle

228

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamad sheekh cusmaan Jawaari ayaa ku guuleystay xalinta xiisad is afgaran waa oo ku saabsaneed maamul u sameynta magaalada Baydhabo iyo gobalada ku dhaw dhaw taas uu Madaxweynahe xasan sheekh ku guul dareestay.
Kadib markii Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya maxamad sheekh cusman Jawaari ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo kuwaas oo in tooda badan taageersanaa lixda gobal sida warar xog ogaal ah ay u xaqiijiyen xaqiiqa.com.
Gudoomiyaha ayaa u sheegay kana dhaadhiciyay qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhaba in Xukuumada Soomaaliya ay ku qaldantahay sida ay umaareysay arinta maamul usameynta gobaladaas ayna tahay kaalinta looga baahnaa Xukuumada Federaalka in ay raacdo sharciga Baarlamaanku ansixiyay madaxweynuhuna saxiixay kaas oo ahaa in xukuumada Federaalka ay ka kaalmeyso dadka deegaanka dhinaca farsamada, qarashka, iyo ilaalinta amniga oo kaliya inkastoo arintaas ay ku fashilantay,
Sikastaba ha ahaatee,Jawaari ayaa ka codsaday siyaasiyiinta, ganacsatada,iyo odayaahsa dhaqanka ee taageersan maamulka lixda gobol in ay ka aqbalaan qodobo dhowr ah oo arintan wax looga qabanayo waxayna kala yihiin sidaan.
Jawaari ayaa qodobada uu u bandhigay waxaa ka mid ahaa in ay ka aqbalaan in khilaafka laxariiro maamulada lagu dhawaaqay darteed aan loo daadin dhiiga Digil iyo Mirifle. In hada wixii ka danbeeyo laga wada shaqeyn doono sidii maamul goboleed Digil iyo Mirifle loo dhisi lahaa kaas oo sharciga waafaqsan. In Xukuumada fedaraalka ay maamul kumeel gaar ah oo dadku raali ka yihiin u soo magacawdo gobaladaas si kumeel gaar ah. Sikastaba ha ahaate, jawaari ayaa ugu sharxay arimaahas si qotodheer waxaana la filayaa in ay ka aqbaleen iyada oo lafulin doono balamaads marka madaxweyne xasan sheekh kasoo laabto safarkiisa dibada, iyada oo madaxweynuhu ku guul dareestay xalinta arimahaas taas oo ku qasabtay in uu Jawaari u yeerto si uu u xaliyo arimahaan.
Ugudanbeynti, waxaa muuqata in Jawaari uu yahay hogaamiyaha kaliya ee Digil iyo Mirifle u matala Xukuumada federalka cidkasta oo iskudayda in ay garab martana ay la kulmi doonto guul daro, taas oo meesha si buuxda uga saareyso hogaaminta Shariif Xasan sakiin iyo hogaamintiisii Digil iyo Mirifle.