Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Khamiis uu shir guddoomiyay kulanka 29aad ee guddiga joogtada ah ee golaha shacabka.
Kulankan waxaa xoogga lagu saaray ajendayaashii la hordhigi lahaa Xildhibaannada golaha shacabka kulan ugu soo horeeyay.
warbaahinta Gudaha gaar ahaan kuwa ka howl gala magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Idacadda Goobjoog FM ayaa Ku waramaya in waxyaabaha la isku af-gartay in kulanka soo socda lagu daro ay ka mid yihiin, arrinta dhismaha Kenya ka waddo Balad-xaawo.
Xildhibaannada golaha shacabka ee ka tirsan koox Baarlamaanka ka dhex samaysan oo la yirahdo mise la baxay “Badbaado” ayaa xalay qoraal uu soo qaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaa uu ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan.
Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.
Kulankan ayaa imaanaya ayadoo Kursiga Jawaari wali doodi ay ka taagan tahay isagoo Mooshin uu ka yaalo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Mr Jawaari ayaa horay u sheegay in Mooshinka isaga ka dhanka ah ay soo abaabushay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.