Jaylaani Nuur Iikar oo Muqdisho lagu doortay

252

Doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhacday magaalada Muqdisho, taasi oo ah mid ergada beelaha Banaadiriga ay soo dooranayeen xubnaha u matali doona baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenkii Kowaad ee baarlamaanka Waqtigiiso dhamaaday  ee Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar, ayaa Maanta kusoo baxay doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Muqdisho.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 cod, halka Musharaxa la tartamayay C/casiis Cusmaan uu helay 23 cod .

Wadooyinka ku dhow dhow goobta doorashada ay ka socoto ayaa ammaankeeda aad loo ilaaliyay.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa markan ku dhow gebagebo.

Maamulka Jubaland ayaa horay usoo gebageneeyay doorashada Aqalka Goose, waxaana haatan dhammaad maraya midda ka soconaysa magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka imaanayaan xildhibaanada ugu badan ee dalka .

Waxaan wali la bilaabin doorashada labada Aqal ee matali lahaa Maamulka Soomaaliland.