Tuuryare oo tallo u soo jeediyay shacabweynaha

209

iuuu Jen, C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa  ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan Ciidamada   nabadsugida iyo Booliska.
Taliyaha Hey’adda Nabadusgida iyo Sirdoonka Jen, C/raxmaan Maxamed Tuuryare “Ninkii shaqo la’aan heyso shaqo haka dhigto  Al-Shabaab, dhalinyarada kubada cagta ciyaareyso meeshii ay ku arkaan Al-Shabaab ha soo sheegaan” ayuu ku yiri mar uu ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Tuuryare ayaa sheegay in la abaal marin doono cid kasta oo soo sheegta xog ku saabsan Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay dadka shaqo la’aanta in maanta wixii ka dambeeya inay shaqo ka dhigtaan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in aysan tiro badnayn ciidamada Dowladda ee ammaanka qaabilsan, wuxuuna shacabka ku dhaqan Muqdisho ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Gobolka Banaadir.
“Ciidamada ammaanka ma taagna wado kasta, oo maanta ma lihin askar jooggi karta waddo walba, ee waa shacabka kuwo meel kasta taagan, Sidoo kale
Waxaana la idinka rabaa inaad la shaqeysaan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska”ayuu yiri Jen. Tuuryare.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab laga adkaaday awoodoodiina la wiiqay, isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay la saftaan ciidamada sirta ee dowladda si looga hortago falal argagixiso oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan caasimada.
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xili dagaalo culus dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay kula jiraan Al-Shabaab oo dhowaan laga wareegay degmada Baraawe iyo deegaano kale.

www.xaqiiqa.com