J/hoose oo uu ka dhacay dagaal khasaare geystay

221

Ciidan-Jubaland

Sida ay goor dhowayd shaacisay wakaaladda wararka Xinhua, ciidamadda maammulka Jubaland oo kaashanaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dagaal ba’an kula galay dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya duleedka deegaanka Buuloguduud oo qiyaastii 30km waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi J/hoose, xilli ay ciidamadda isbaheysigu isku dayayaan inay dib ula wareegaan degmada Jilib.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, haddana afhayeen u hadlay ciidamadda wuxuu sheegay in weerarkaasi ay Shabaab uga dileen 22 nin sidoo kalena burburiyeen gawaari dagaal lana wareegeen hub iyo rasaas, halka dhankoodana ay jiraan ku dhowaad shan askari oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.

Al-shabaab ilaa iyo imminka kama aysan hadlin hawlgalkaasi weli socda, iyada oo ay ciidamadda huwantu maalintii shalay ahayd qabsadeen tuulooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin Yoontoy iyo Goofguduud waxaana lagu soo warramaya inay ku sii siqayaan gobolkaasi J/dhexe oo bartilmaameed u ah.