Jiida hore ee Jalalaqsi oo la isku haysto

244

Tank-AMISOM

Askarta ciidamadda dawladda Soomaaliya oo kaashanaya xulafadooda AMISOM ayaa gaadhay jiidaha hore ee degmadda Jalalaqsi kaddib markii ay la wareegeen gacan ku heynta deeggaano dhawr ah oo hoostaga degmaddaasi.

Saraakiisha ciidamadda isbaheysigu waxay sheegayaan in imminka uu bilawday hawlgalkii ugu danbeeyay oo ay ujeeddadiisu tahay in ciidamaddu ay dib ugu soo celiyaan gacanta dawladda degmadda Jalalaqsi iyo dhammaan deeggaamada kale ee Al-shabaab kaga sugan yihiin gudaha gobolkaasi Hiiraan.

Jalalaqsi ayaa ah degmadda keliya ee ka tirsan gobolka Hiiraan, taasoo ay weli maammulkeeda gacanta ku hayaan xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Wixii warar ah oo kusoo kordha kala soco Xaqiiqa Times haddii Alle idmo