Jilaaga Caanka ah Om Puri oo geeriyooday

855

ltfzyash Jilaaga caanka ah ee u dhashay Wadanka Hindia, Om Puri, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Mumbai, ka dib markii sida la sheegay uu ku dhacay cudurka wadnaha islamarkaana uu wadnaha istaagay.

Xubno ka mid ah qoyskiisa, ayaa waxay warbaahinta u xaqiijiyay   in jilaagu uu ku geeriyooday hoyga uu ka deganaa Magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya.

Jilaaga, ayaa sanadkii 1950 ku dhashay Gobolka Haryana,  oo ku yaala Waqooyiga  dalka Hindia.

Filimkiisii ugu horeeyay (Ghashiram Kotwal), ayuu sameeyay sanadkii 1976-kii.

Om Puri oo 66 jir ahaa, ayaa sameeyay aflaan caalami ah iyo kuwa u gaar ah Wadanka Hindia.

Waxaa  uu aad u soo caan baxay horaantii 1980-kii markaasi uu uu sameeyay aflaan caan ahaa.

Fikimtiisii ugu dambeeyay ee uu sameeyay waxaa ka mid ahaa filim ka lamagac baxay (Dirty Politics)ompurisept10tiff

Xidigan ka tirsanaa Bollywood-ka Hindia, ayaa inta badan waxay aflaantiisu ku saabsanaayeen India, Pakistan iyo Britain,waxaana uu sidoo kale ka qayb galay filimaan caan ahaa oo ay samaysay shirkadda filimaanta dalka Maraykanka ee Hollywood, waxaana ka mid ahaa (the zookeeper).