Jim Mattis: Madaxda cusub ee Soomaaliya waxay mudan yihiin in la taageero

172

Xoghayaha Gashaandhigga dalka Maraykanka Jim Mattis ayaa  waxaa uu aqalka cad ee magaalada Washington, ka sheegay yididiiladiisa ku aadan isla xisaabtan-ka ka jiro hay’adaha dowliga ah  ee dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Jim Mattis, Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka, ayaa intaasi ku daray in xaaladaha  Soomaaliya ay ka soo reynayaan, gaar ahaan qaabka loo qeybiyo gagaarka  sida Raashinka iyo Shidaalka ee la siiyo ciidamada Soomaalida.

“ Waxaan hubaa in aan awoodno xakameynta waxa kana, xitaa haddii aanan dhammaan xakameyn Karin, qeyb ka mid ah” ayuu yiri xoghayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka.

Mr. Matis, ayaa tilmaamay in madaxda  cusub ee dowladda Soomaaliya ay mudan yihiin in la taageero.

Hadalka  Jim Mattis, waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Mareykanka dhowaan ay sheegtay inay joojisay saadkii ay sii jirtay ciidamada xoogga dalka sida raashiin, shidaal iyo hub.