Joojinta Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya & Saameynta Dhaqaale ee Gobolka

467

XawaaladGo’aanka dowladda Kenya ay ku xirtay 13 xawaalad iyadoo isla markaana xayiraad ku soo rogtay xisaabaadkii ay bankiyada Kenya ku lahayeen 86 qof oo ay ku jiraan ganacsato iyo culimo caan ah ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay Soomaalida meel kasta oo ay joogto. Hase yeeshee wuxuu si gaar ah u saameynayaa Soomaalida ku nool Gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo qaxootiyada Dhadhaab iyo Kaakuma oo lacag badan looga soo diro dibadda iyo gudaha Soomaaliya, taas oo noloshooda inta badan ay ku tiirsaneyd.

Kenya ayaa ku eedeysay xawaaladaha iyo shakhsiyaadka dhaqaalahooda la xayiray in ay maalgeliyaan Al-Shabaab oo waayadan dambe weerarro culus ka geysatay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ee ay Soomaalidu degto. Ma jiraan caddeymo buuxa oo muujinaya eedeymaha ay Kenya u jeedisay shakhsiyaadka iyo shirkadaha ay xannibtay.

Ganacsiga Soomaalida ee Kenya iyo kan dalka gudihiisa ka socda ayaa si weyn ugu tiirsan adeegsiga xawaaladaha oo lacagta si degdeg ah ku gaarsiiya meelaha loo dirayo. Tusaale ahaan qaadka oo Kenya ay u soo dhoofiso Soomaaliya, kaddib markii dalal Yurub ah iyo Mareykanka laga mamnuucay ayaa lacagta loo marsiin jiray xawaaladaha.

Joojinta shirkadahan ayaa waxay sidoo kale saameyn xooggan ku yeelanaysaa qurbajoogta Kenya ee xawaaladaha Soomaalida isticmaala, qaxootiga Koonfur Sudan iyo Jaaliyadaha dalalka bariga Afrika oo si toos ah ugu xiran xawaaladaha Soomaalida. Waxaa xusid mudan in xawaaladaha ay lacagta u kala qaadaan dalalka Kenya, Uganda, Rwanda, Koonfur Sudan iyo Tansaaniya oo dhamaan ganacsigooda uu yahay mid aad isugu xiran.

Cabdiraxiim Shiil oo ah Ku-xigeenka Hormuudka Kulliyada Dhaqaalaha ee Jaamacadda Banaadir ayaa qaba in ganacsiga labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika uu yahay mid isku xiran oo aysan dhibaatada Soomaali kaliya ku koobnaan doonin. Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaalida ay wajahday caqabado middan ka culus, hase ahaatee ay ka gudbeen, tan haatan taagganna loo heli doono xal ku habboon.
“Kenya waa in ay ka fikirtaa saameynta dhaqaale ee iyada ka soo wajihi kara inta aysan qaadin tallaabooyinka noocan oo kale ah ee kala dhantaalaya kala faa’iideysiga iyo kala ganacsiga labada bulsho ka dhaxeeya” ayuu yiri Shiil.

Soomaalida oo ah dad hal-abuur ganacsi leh ayaa burburkii kaddib billaabay in ay sameystaan nidaam xawilaad oo degdeg iyo amaano ku dhisan, kaas oo qof walba halka uu joogo lacagta looga qabanayo kan uu u diraayana meesha uu joogo loogu geynayo.

Haddii dowladda Kenya ay ku sii socoto tallaabadan waxaa imaan kara dhibaatooyin dhaqaale oo iyada lafteeda saameeya sida in ay istaagaan malaayiinta doollar ee ka soo gasha Jaadka/qaadka oo dhibaato weyn ku haya bulshada Soomaalida ah balse ay Kenya ka macaashto.

Axmed Saciid oo Muqdisho ku sugan ayaa noo sheegay in qaar ka tirsan qoyskiisa ay noloshooda ku tiirsan tahay lacag looga soo diro bil walba dalka Kenya. Axmed wuxuu yiri “aad baan uga xunnahay tallaabada ay qaadday dowladda Kenya oo aan xal u noqon karin dhibaatada amni ee waayadan heysata. Qoysaska Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo lacagta lagu soo gaarsiiyo xawaaladaha maalin murugo ah ayay u tahay sababtoo ah ma jirto waddo kale oo haatan lacagta lagu gaarsiiyo.”

Cabdifataax Cali oo dukaanno lagu iibiyo telefoonnada iyo kumbiyuutarrada ku leh Nayroobi ayaa Wargeyska Xaqiiqa u sheegay in ay xiyiraadda xawaaladaha tahay dhibaato soo siyaadday oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. “Waxaan maaanta dirsan weynay lacagtii aan badeecooyinka ku dalban jirnay. Dadka maalin walba wax ku dirsada xawaaladaha ayaan ahayn. Waxay ahaayeen kuwo si fudud adeegyada aan uga baahannahay u gaarsiiya meel kasta oo aan dooneyno” ayuu yiri ganacsade Cabdifataax.

Suuqyada dalka Kenya ayaa laga dheehanayaa saameynta ay ku yeelatay xayiraaddan, iyadoo qiimaha badeecooyinka uu sare u kacday, maadaama adeegsiga Bankiyada uu yahay mid qaali ah, misana ay maalmo qaadato in lacagta la gaarsiiyo meelihii loogu talagalay.

Xawaaladaha la xiray oo ah kuwa ugu waaweyn ayaa waxaa ku jira Amal, Dahabshiil, Tawakal, Bakaal, Jubba, Iftin, Hodan, Amaana iyo Kaah.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynaha iyo Raysul Wasaaraha Soomaaliya ayaa arrintan walaac looga muujiyay, balse ma jiraan tallaabooyin muuqda oo ay dowladdu qaadday si loo badbaadiyo dhaqaalaha Soomaalida ee Bankiyada Kenya yaalla, kaas oo ay dowladda Kenya dooneyso inay ku joojiso marmarsiiyo aan caddeymo buuxa loo hayn.