Jowhar iyo Baydhabo oo lagu doortay Xildhibaano cusub

268

Doorashada aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si habsami leh uga socota xarumaha maamul gobaleedyada dalka.

 

Magaalooyinka Kismaay, Baydhabo, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe waxaa  ka socda doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo aadan ee  Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee K/ Galbeed Soomaaliya oo doorashada Aqalka Hoose ka socoto ayaa lagu doortay ilaa seddex xildhibaan, waxaana lagu kala magacaabaa Cali Yuusuf Cismaan, Cismaan Xaaji Cali Nuur, iyo Isxaaq Maxamed Maxamuud.

Doorashada ayaa ah mid wali soconaysaa waxaana lagu wadaa in la doorto  ilaa iyo 7 xubnood.

 Caasimada Maamul Gobaleedka Hirshabeele ee Jowhar, oo iyadana doorshadeeda shalay dib uga bilaabatay ayaa maanta lagu doortay ilaa labo mudane oo kala ah C/fitaax Qaasim Maxamed, iyo Cumar Cismaan Waasuge.

 

Magaalooyinka Cadaado, iyo Garoowe ayaa ayagane waxaa si habsamileh ugu  socda doorashada xildhibaanada aqalka hoose.