Jowhar oo maanta lagu doortay Shan xildhibaan

285

Magaalada Jowhar oo maanta doorashada Aqalka Hoose dib uga bilaabatay ayaa maanta waxaa ergooyinka ay doorteen shan xildhibaan.

Inkastoo doorashada maanta markale muran ay ka dhaceen ayaa hadana doorashadu aysan joogsan.

Lama oga guddiga doorashada dadban ee heer Federal inay ogolaan doonaan natiijada kuraasta maanta lagu murmay.

Xildhibaanada ku soo baxay kuraasta Aqalka hoose ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka, halka sidoo kale ay jiraan xubno cusub oo doorashadaan ku soo baxay, waxaana ay kala yihiin Xildhibaanada la doortay.

1.Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.