Ciidamada ammaanka Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ajaaniib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeeysanayay xeebaha gobolka Jubbada hoose.
Kalluumeysatadan ayaa 2 ka mid ah waxaa ay u dhasheen dalka Iran halka lixna ay ka soo jeedaan wadanka Hindiya.
Doon ay wateen ayaa waxa ay ku soo caariday xeebta Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.
Waxa uu xusay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubbada hoose.
Raggan ayaa lagu wareejiyay ciidamada booliska dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana taliyaha booliska gobolka Jubbada hoose uu sheegay in lagu qaadi dono danbiga ay galeen ciqaabtiisa.