Jubaland: yaan naloo keenin khatarta Ebola

229

Madaxweyne-lugadheere0

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee dawlad gobolleedka Jubaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ‘Lugadheere’ ayaa ka codsaday madaxda beesha caalamku inay hakad geliyaan isku beddelka ciidamadda Sierra Leone ee lagu wado in la keeno koofurta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada hoostaga maammulkaasi, maadaama buu yiri ay aad uga cabsi qabaan in askarta laga keenayo waddankaasi ay faafin karaan cudurka khatarta ah ee Ebola.

Baaqaasi ayuu Lugadheere ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka madaxtooyada Kismaayo kaddib kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha fulinta ee Jubaland, kaasoo si weyn looga hadlayay arrinta la xiriirta askari reer Sierra Leone ah oo ka mid ahaa guuto u diyaar garoobaysay inay yimaadaan dalka Soomaaliya oo lagu arkay cudurka dilaaga ah ee ka dillaacay galbeedka Afrika.

Dhinaca kale, Sierra Leone ayaa horey ugu dhawaaqday in la karantiilayo dhammaan ciidamaddaasi heeganka ku jiray ee uu saamaynta ba’an ku yeeshay cudurku  850 arkari ayaa dalkaasi uga mid ah hawlgalka AMISOM, kuwaasoo imminka ku sugan gudaha Soomaaliya.