Jubbaland oo bilowday baaritaanno la xiriira musuq

33

Xeer ilaaliyaha guud ee dawlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xafiiskoodu uu bilaabay baaris la xiriirta musuq lagu eedeynayo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Xeer ilaaliye Maxamed Sheekh Cismaan ma uusan sheegin magacyada iyo darajada xubnaha ku eedeysan musuqa, hayeeshee waxa uu xusay in mas’uuliyiin sare sare ay kiiska isdaba-marinta ku lug leeyihiin.

“Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu dabagal ku wadaa dambiyo badan oo Musuq ah oo ka dhacay Dowlad Goboleedka Jubbaland, meel wanaagsan ayay baarista inoo mareysaa, waxaana rajeyneenaa in aan cadaaladda horgeyno madaxda iyo xubnaha kala duwan ee isdabamarinta sameysay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Jubbaland.

Ku dhiiranaanta tallaabadaan waxa uu ku tilmaamay in aan lagu kala sareyn sharci iyo isla xisaabtanka, qof waliba wanaag iyo xumaan midda uu sameeyo looga abaalgudayo sida uu hadalka u dhigay.

“Qofka Musuqa sameeyay waa in la horgeeyo Maxkamadda, haddii ay ku caddaato waxaa la horgeynayaa maxkamadda awoodda u leh, xafiiska xeer ilaalinta dacwad ayuu kusoo oogayaa, haddii aad tahay mas’uul, Hadii aad tahay Madax qof waliba sharciga ayaa ka sareeyo” ayuu sii raaciyay Xeer Ilaaliye Maxamed Sheekh Cismaan.

Booliiska Jubbaland ayay heyadda xeer ilaalintu la wadaagtay magacyada shakhsiyaadka la baarayo ee lagu tuhmayo inay musuq ku kaceen.