Ka Hortagga Musiibooyinka Dabiiciga ah

408

Bini’aadamku intii uu soo jiray wuxuu goobjoog u ahaa musiibooyin Rabbaani ah, sida; daad, abaar, dhul-gariir, IWM, Alle SW wuxuu yiri {Waxaan idinku imtixaannay cabsi iyo gaajo iyo hoos-u-dhac ku yimaada hantida, nafta iyo miraha, u bishaaree kuwa sabra} Al-Baqarah 155.

Qeexid:

Musiibo: Waa dhacdo kedis ah oo dabiici ah, taas oo gaysata khasaare weyn oo isugu jirta mid naf iyo mid maaliyad, waxaa ku dhinta xoolaha sida; geela, lo’da iyo ariga, waxaa ku burbura dhismeyaasha, buundooyinka iyo waddooyinka. Musiibadu inta badan way ka baxsan tahay awoodda bini’aadamka, waxayna dadku u baahdaan gurmad iyo gargaar.

Haddaba Soomaaliya 24 sano ee burburka, waxaa ku soo noqnoqday musiibooyin dabiici ah oo sababay dhibaatooyin badan, maadaama aan sidii loo baahnaa looga hortagin ama aan loogu diyaar-garoobin. Dalalka horumaray inta badan waxay sameeyaan ka hortag ama isku diyaarin dhinac walba ah si aanay musiibooyinka u galaafan kumannaan ama malaayiin qof, burbur baaxad lehna aanay u geysan.

Astaamaha Musiibada lagu garto:

1-     Waa dhacdo kedis ah oo ku timaada si lama-filaan ah

2-     Waxay leedahay awood iyo xawli aad u sarreeya

3-     Waxay geysataa burburin aan xad lahayn

4-     Waxay sababtaa cabsi iyo isku dhexyaac aan caadi ahayn

5-     Khasaaraha ay geysato ayaa aad uga weyn, balse muddo yar ayay socotaa

Noocyada Musiibooyinka:

  1. Musiibo dabiici ah: Oo ah musiibo Rabbaani ah oo aanu bini’aadamku wax lug ah ku lahayn, sida; abaar, dhul-gariir, dabeyl, cayayaan beeraha gala iyo daad.
  2. Musiibo ay dadku sababeen: Ha noqoto ulakac ama haku timaado si kedis ah, musiibada noocaas ah waa la celin karaa haddii la dadaalo, waxay noqon kartaa; weerar milateri, ismiidaamin, sumeynta deegaanka, sida sunta lagu shubo badda, tan dhulka lagu aaso iyo tan hawada lagu buufiyo.
  3. Musiibo isku jir ah: Waa mid isugu jirta labada nooc ee aan ku kor ku soo sheegnay, waxay ku timaadaa si daryeel la’aan iyo fududeysi ah oo bini’aadamku uu sameeyo, waxayna isku beddeshaa musiibo, tusaale waxaan u soo qaadan karnaa, dayactir la’aanta buundooyinka, jidadka iyo guryaha oo sababa inay u dumaan si kedis ah, waxaa sidoo kale soo galaya dab weyn oo ka kaca magaalo ama dhul beereed, burburka diyaaradaha iyo maraakiibta badda.

Guud ahaan musiibooyinka oo u kala baxa mid dabiici ah iyo mid teknoolaji waxaa calaamad ahaan lagu garan karaa inta ay dhibaato geysatay iyo halista ay leedahay:

1-     Culeyska ay musiibadu leedahay: Oo loola jeedo dhibka la filayo iyo saameynta ay yeelan karto.

2-     Waqtiga ay qaadan karto musiibada. (Waqti gaaban, waqti dhexdhexaad ah iyo waqti dheer)

3-     Baaxadda ay qabsan karto: Dhul ahaan in intee la eg ayay ku habsan kartaa?

Maareynta Musiibooyinka

Waa tallaabooyin kala duwan oo la qaado si looga hortago musiibo, ujeedka laga leeyahayna waa in lagu yareeyo khasaaraha ku imaanaya nafta iyo maalka. Maareynta musiibada waxay u baahan tahay in horay loo sii qorsheeyo, in go’aamada ku habboon la qaato, in la diyaariyo qalab looga hortagi karo iyo in bulshada tababarro la siiyo si looga hortago ama loo yareeyo khasaaraha.

Tallaabooyinka looga hortago musiibooyinka

–          Dejinta sharciyo iyo go’aamo ka hortag ah

–          Qeexidda nooca musiibada laga hortagayo

–          Diyaarinta koox u tababaran ka hortagga musiibada

–          Shaqada oo la kala qeybsado dowladda, hay’adda iyo shacabka

–          Inaad ogyahay agab iyo dhaqaale waxa la heyso iyo waxa aan laheysan iyo

–          Inta ay musiibada socoto in si sax ah loo isticmaalo dhaqaalaha iyo agabka la heysto

 

Musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya

–          Daadad ka dhasha roobka

–          Fatahaado ay sameeyaan webiyada

–          Dabeylo iyo roob xooggan oo wada socda

–          Dilaacidda cudurka shuban-biyoodka, daacuunka iyo cudurrada halista ah iyo

–          Abaaro ka dhaca meelaha qaar oo sababa dadka iyo xoolaha inay gaajo iyo harraad u dhintaan

Musiibooyinka sanad kasta way dhacaan, laakiin wax ka hortag ah looma sameeyolama soo koobi karo khasaaraha ay dhaliyaan sida dhimashada dadka iyo xoolaha, dhaawaca iyo buburka, sidii ku habbooneydna wax loogama qabto.

Waxyaabaha ay sababto musiibada

–          Khasaare naf iyo maalba leh

–          Kumannaan kun oo dad ah barakaca, kuwaas oo waaya meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan

–          Cudurro ayaa ka dhasha biyaha meel kasta yaalla ama xoolaha dhintay ee aan la asturin

–          Waddooyinkii oo burbura, isla markaana keena inay go’doon noqdaan dadkii ay musiibada gaartay oo la gaarsiin waayo caawimaadda.

Maxaa loo baahan yahay?

Waa in si buuxda la isku diyaariyo si looga hortago musiibooyinka sanad kasta soo noqnoqda, ka hortagna la sameeyo. Waa in xil la isa saaro si loola yimaado waxqabad, in lala shaqeeyo hay’adaha ku shaqada leh saadaasha hawada mararka laga cabsi qabo inay da’aan roobab aad u waaweyn. In deegaanka la filayo inay ku wajahan tahay musiibo dadka ku nool loo raro meel aamin ah.

In bulshada dhexdeeda laga sameeyo wacyigelin ku saabsan waxa ay tahay musiibada iyo sida loga hortagi karo. In adduunyada kale lala kaashado arrinta oo xoogga la saaro ka hortagga, si aanay arrintu mar kasta u noqonin ka dabatag aan waxqabad lahayn. In dadka ay musiibadu ku habsatay la caawiyo oo la siiyo ugu yaraan soddon boqolkiiba xoolihii ka dhamaaday ama guryo loo dhiso. Manhajka in lagu daro maaddo ku saabsan ka hortagga musiibooyinka si ay ardayda u bartaan sida ay mustaqbalka u maareyn karaan haddii ay musiibooyin la kulmaan.

Waxaa fiican in ay bulshada is gacan qabato xilliyada ay jiraan musiibooyinka oo ah qaddar Rabbaani ah.

Qore: Ustaada Khadra Bashiir Sheekh Cilmi