Kaalinta Dhallinyarada Soomaalida ee Dhismaha Dalka

274

Taariikhda dhallinyarada Soomaaliya waxay baal dahab ah uga jirtaa kaalintii ay ku lahaayeen halgankii gobannimo-doonka, kaasoo ay u hureen naftooda iyo maalkooda.

Laga soo billaabo waqtigii xornimada la qaatay 1960-kii, Soomaaliya waxaa ka abuurmay ururro dhallinyaro sida Golaha Dhallinyarada Soomaaliya iyo Ururka Dhallinyarada Soomaaliya; ururadan waxay ka howlgali jireen dalka gudihiisa iyo xiriirka dhallinyarada caalamka, iyagoo ku lahaa kaalin muuqata oo wax ku ool ah.

Billowgii Kacaankii Oktoobar wuxuu irdaha u laabay axsaabtii iyo dhamman ururradii bulshada ee dalka ka dhisnaa, muddo kooban kaddib waxaa abuurmay dhaqdhaqaaqyo ururro bulsho oo ay ka mid ahaayeen ururka dhallinyarada Soomaaliya, kaasoo kaalin muhiim ah ka soo qaatay ololeyaashii dalka lagu dhisayay ee la magacbaxay ‘Iskaa Wax u Qabso’, mabda’aas oo lagu dhisay dugsiyo, dhismeyaashii goleyaasha hanuuninta dadweynaha oo dhammaan degmooyinka dalka laga hirgeliyay; goleyaashu waxay saldhig u ahaayeen dhaqdhaqaaqyada dhallinyaradii ku howlanyeyd isboortiga, suugaanta, abaabulka guud iyo howlgalintoodaba. Waxaa kale oo ay dhallinyaradu kaalin muuqata ku lahayd mashruucii caanka ka noqday dalkeena ee ‘Bacaadcelinta Shabeelle’ ee gobolka Shabeellaha hoose; bacaadkaasoo khatar ku ahaa dhul beereed baahsan iyo wabiga Shabeelle.

Ururrada dhallinyarada Soomaaliya waxay kaalin xoog leh ka soo qaateen ‘Ololihii Far Barashada’ oo hal ku dheggiisu ahaa ‘BAR AMA BARO YAAN LAGAA BADIN‘ dejintii dadkii ku waxyeelloobay abaartii Dabadheer, oo loo soo raray gobollada koonfurta dalka. Ururrada dhallinyarada waxay ka mid ahaayeen hay’adaha hoggaaminta dhallinyarada iyo ardayda adduunka, iyagoo ku martigalin jiray dalka hooyo shirweyneyaal. Waxay ka mid ahaayeen hay’adaha hoggaaminta ururradaas.

Marxaladihii dowlad la’aanta iyo dagaallada sokeeye, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay soo mareen dhibaatooyin aan la soo koobi karin, iyadoo lagu beer dulucsanaayo hayb qabiil ayaa waxaa laga dhigtay xaabo dabka lagu shito, waxaa la siiyay maandooriye raashinka looga mid dhigay (qaad) si aysan dagaalka uga soo noqon cabsidana looga qaado, ileyn waa qof doorsoone, kaas oo dad gaar ahi maqaam iyo maal ku raadsan jireen dhiiggooda.

Waxaa mahadho ah cawaaqib xumada ka dhalatay oo ah in dhallinyaradii ay ka iimaan baxaan dalkoodi uuna badaha iyo lama degaannada maydadkoodi waran yahay, qaarkoodna xabsiyada waddamo kale ay ku dacdarreysan yihiin, waxaa kale oo xusid mudan in dhallinyarada dalka gudihiisa ay ku shaqo la’ yihiin; waxaa amaan mudan hay’adaha waxbarashada ee u dhabar adeygay in ay dhallinyaro badan u jaheeyeen dhanka waxbarashada oo manta aan arkeyno in rajada qaar badan ay soo noqoneyso oo ay tiigsanayaan tacliin sare.

Haddaba maxaa la gudboon mustaqbalka dhallinyarada iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku howlan arrimaha dhallinyada? Waxaa dalka ka jira ururro dhallinyaro oo si gaar gaar ah u howlgala oo aan laheyn wax isku xira si waxtarkooda uu u muuqdo ama ay u yeeshaan awood waxqabad iyo cod mideysan oo ay ku difaacaan danaha mustaqbalka dhallinyarada. Wuxuu aduunka oo idil isku raacsan yahay in ay dhallinyaradu tahay mustaqbalka waddan kasta, waxaa hore loo yiri “geedka aad labaatan jir ku beerato ayaad lixdan jir ku goosataa” haddaba si ay u rumoobaan waxyaalaha aan ka soo hadlay waxaa loo baahan yahay in ururrada dhallinyarada ay isku yimaadaan oo ay sameystaan dallad guud oo ay ku mideysan yihiin si ay u yeeshaan barnaamij guud oo ka tarjumaya danaha iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaalida.

Dhanka dowladda waxaa dhallinyarada ka saaran waajib sidii marxaladdaan looga gudbin lahaa loona diyaarin lahaa barnaamijyo loogu jaheynayo waddadii ay mustaqbal fiican ku heli lahayd, sida:

1. In la helo waxbarasho khasab ah, da’da soo koreysa illaa iyo dugsi sare
2. In la badiyo goobaha isboortiga iyo fanka si ay hiwaayaadkooda u soo bandhigaan, ulana loollamaan dhallinyarada kale ee adduunka
3. In la helo qorshe dhul dan guud loo adeegsado sida waxbarashada, libraries, garoomada isboortiga, jardiinooyin, iskuullo, bukaan eegto, saldhigyo hay’adaha nabadgalyada, suuqyo iyo iwm.

Waxbarashada dhallinyarada waa in loo badiyo dhanka farsamada, gaar ahaan beeraha, xoolaha iyo badda iyo farsamada guud, xooggana la saaro shaqa abuurid mashaariicda dalka lagu horumarinayo. Haddii ay hay’adahaas waajibkooda gutaan waxaa soo baxaya jiil waddaniyiin ah.

Hanti ma-guurto ah ayay dhallinyarada Soomaalida lahaayeen intii aysan burburin dowladdii dhexe, sida:

A. Dhul ku fadhiya Xaruntii hore ee SYL oo aan dhallinyaro ahaan dhaxalnay, taas oo iminka burbursan iyo dhulka ka billowda darbiga xaruntaas ee la gaddoomaya waddada ex Anzalooti ilaa iyo darbiga dugsiga sare ee Raage Ugaas, dhanka waqooyi darbiga xarunta ilaa iyo darbiga dugsiga sare ee Raage Ugaas, Ururka Dhallinyarada Soomaaliya oo aan madax ka ahaa ayaa darbi ku wareejiyay dhulkaas, waxaana loogu talagalay dhulkaas in laga dhiso;-

1. Xarunta guud ee dhallinyarada Soomaaliya
2. Garoon kubbad cag
3. Garoon kubbad koley
4. Xarun farsamada gacanta lagu barto iyo
5. Dhismo dhowr dabaq ah oo dhallinyarada gobollada iyo dhallinyarada adduunka lagu martigaliyo

B. Dhismaha Hotel SYL oo uu burburku dhacay iyadoo uu u dhiman yahay dhameystir fudud, dhismahaan waa qayb ka mid ah Tuulada SYL ee ururka Dhallinyarada.

C. Xaruntii Ubaxa Kacaanka (Ex Naadi Kamaaludiin Saalah) oo loogu talagalay barbaarinta carruurta waa xarun leh:

1. Qolal wax lagu barto
2. Guryo deegaan ah iyo
3. Barxad lagu ciyaaro

Haddaba waxaan la socdaa in ganacsato Soomaali ah lagu wareejiyay dhismihii Hoteel SYL, ayna dhameystireen, taas micnaheedu ma ahan in ay milkiyaddiisa ka wareegtay dhallinyarada, dhulkaas iyo Hoteel SYL, wuxuu la mid yahay xarumaha iyo hantida ma-guurtida ah ee ay leeyihiin ururrada kale sida haweenka, shaqaalaha iyo iskaashatooyinka oo hantidooda aysan cid kale qaadan karin. Waxaan rajeynayaa cidda masuuliyadda dhallinyada qaadda in ay ka xisaabtami doonto In shaa Allaah.

Wasaaradaha ee kaalinta ku leh barbaarinta iyo jiheynta dhallinyarada waxaan ku boorrinayaa in ay kaalintooda dastuuriga ah ay ka qaataan wax u qabashada dhallinyarada. Dowladdu waa in ay ilaaliso hantida dhallinyarada, waana in ay maalgalin u raadiso dhismaha Tuulada SYL.

W.Q: Salaad Cismaan Rooble
Guddoomiyihii hore UDHKS