Kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare oo maanta furmaya

184

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu waxaa inuu si rasmi ah uu u furo kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo la hadlay Xaqiiqa Times ayaa sheegay in furitaanka kalfadhiga Aqalka Sare ay kasoo qayb gali doonaan mas’uuliyiinta sar Sare ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaaraha, Madaxwaynaha iyo mas’uuliyiin kale.

Maanta oo Arbaco ah waxaa si rasmi ah u furmaya kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare oo qayb ka ah baarlaamaanka Soomaaliya ayadoo hore isbuucan gudihiisa uu furmay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka ama Aqalka Hoose.

Dhanka  kale

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulankoodii koowaad tan iyo intii uu furmay kalfadhigooda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ayaa Maanta oo Arbaco ah Waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ku yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee Kalfadhiga labaad.

Kulanka ayaa Waxa ay Xildhibaanada kaga hadli doonaa qodobo badan oo ay ka mid yihiin kala horeysiinta howlaha horyaalla Baarlamaanka.

Sidoo kale Kulanka waxa ay kaga hadli doonaa sidii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ula xisaabtami lahaayeen Hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Labada gole ee baarlamaanka xubnahooda ayaa fasax kasoo laabatay ayadoo wararku ay sheegayaan in mudane kasta wax laga waydiin doono deegaanada uu matalo.