Kalfadhigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare oo Muqdisho ka furmaya

188

Warar aynu helayno  ayaa sheegaya in maanta oo isniin  ah,  January 16, 2017-ka uu furmi doono kalfadhiga ugu horreeya ee aqalka sare ama Senate-ka federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kullanka waa sidan:

Sameynta Guddiga dooarshooyinka

Dhaarinta lix (6) Xildhibaan oo cusub

Kulanka ayaa ka bilowday xarunta aqalka sare ee KM Zero ee Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Aqalka Sare, ayaa xaruntooda waxaa dhistay dowladda Turkiga sidoo kalena qalabeeyay hay’ado hoos-taga dowladda Turkiga.

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa xariga ka jaray xaruntaassi.