Kay iyo wefuud kaloo ku sii qulqulaya Garoowe

251

Wadaxaajood

Madaxa xafiiska Qaramadda Midoobay ugu qeybsan kaalmaynta Soomaaliya, Nicholas Kay iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd gaadhay caasimadda Puntland ee Garoowe, iyada oo sidoo kalena halkaasi uu maanta tagay wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey oo isna qeyb ka ah wefuud kaloo ka socota caalamka oo lagu wado inay goobjoog ka noqdaan heshiis lagu soo afmeerayo magaaladaasi oo ay wada gelayaan masuuliyiinta dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo maammulka Puntland.

Sida ay Xaqiiqa Times xog rasmi ah ku heshay ujeeddada ugu weyn ee booqashada Kay iyo danjireyaasha kale ayaa lagu sheegay inay tahay ka qeybgalka xaflad aad u weyn oo lagu soo xirayo wadaxaajoodka maalintii seddexaad gelay ee weli labada dhinac uga soconaya magaaladaasi Garoowe.

Goor sii horreysay dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland oo xiriirka u jartay dawladda dhexe ayaa shuruud uga dhigtay heshiis kastoo la saxiixayo in muhim ay tahay goobjoog ka noqoshada beesha caalamka.