Kay: waxaan u wada jirnaa dhismaha Baydhabo

363

Nick-Kay1

Madaxa xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ugu baaqey kooxaha isku haya dhismaha dawlad gobolleedka koofur galbeed inay imminka la yimaadaan hannaan lagu dhisayo maammul ballaaran kaddib kulan uu la yeeshay guddoomiyaha golaha barlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Jawaari’ saxiixayaasha dhismaha maammulkaasi iyo guddiga farsamada ee ku sugan magaalada Baydhabo.

“Waxaan ku boorinayaa ragga ka maqan qorshehaan inay taageeraan kana qeybqaataan dhismaha maammulkaan ka mid noqonaya dawlad gobolleedyada hoostagaya dawladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Dhinaca kale, danjire Kay ayaa uga digay siyaasiyiinta Baydhabo in aysan ku kicin falal khatar gelinaya nabadda iyo ammaanka gobolkaasi.

Kay ayaa gacan ka geysanaya dadaaladda dadka deeggaanku ay ku sameysanayaan maammul ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Sh/hoose.

Heshiiskaasi lagu dhisayo dawlad gobolleedka koofur galbeed ayaa bishii Juun lagu gaadhay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.